Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa horraantii sanadkaan gaaray is-afgarad xiisad xooggan ka abuuray gobolka, kaasi oo Somaliland ay sheegtay in Itoobiya ay dhul badeed uga beddelaneyso aqoonsi, maadaama ay Itoobiya si weyn u daneynayso inay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Inkasta oo heshiiskan uu la kulmay diidmo adag oo dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhalleeceyn caalami ah, haddana weli labadii dhinac ee qalinka ku duugay midkoodna kama laaban heshiiskan oo lagu tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.
Waxa aynu warbixinteena isku dul taagi doona qodobka aqoonsiga, inaga oo dib u milicsan doona wareysi uu sanado kahor bixiyay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.
Wareysigaas oo uu Meles ka qaaday Yuusuf Garaad ayaa waxa uu markaas si cad u sheegay in Itoobiya aysan ku dhiiran karin aqoonsiga Somaliland, haddii aysan taas uga hormarin Soomaaliya, oo macnaheedu yahay “in aysan awood u laheyn aqoonsiga dhul waddan kale”.
Wareysiga ayaa u dhacaya sida tan;
Yuusuf Garaad: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?.
Meles: Waa su’aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen.
Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan].
Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin.
Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno.
Su’aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland?
Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale.
Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.
Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Somaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan.