Sababta Xasan iyo Shariif ay wakiilo ugu dirsadeen doorashada Jubaland (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa fahamsaneen sababta xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uga qayb galeen doorashada garab kamid ah xoogaga isku haaya hogaanka maamulka Jubaland ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaanada doorashada ka qaybgalay marka 1-aad waa mucaarad xasanaad leh oo faa’idooyin badan u arka cid kasta oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyagoo ka eegaya danaha gaarka ah ee xisbiyada markii la gaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/21-ka.

Marka 2-aadna waxay wakiilo ka yihiin laba xisbi siyaasadeed oo hami wayn ka qaba in ay wacdaro ka dhigaan Soomaaliya waqtiga kala-guurka ah maadaama Jubaland ay kamid tahay maamulada saameynta culus ku leh doorashada Soomaaliya sanadka 2020/21.

Waxay ka kala socdaan xisbiyada ay kala hogaamiyaan madaxweynayaasha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana xildhibaanada gaaray Kismaayo ee 2-da gole ay xaqiijisay Caasimada Online in ay ka tirsan 2-daas xisbi siyaasadeed halka qaar kalane ay yihiin xildhibaano degaanka laga soo doortay oo doonaya in ay kursigooda ku soo laabtaan doorashada soo socoto ee Soomaaliya.

Tusaale xildhibaan Axmed Macalim Fiqi, waa xoghayaha xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid uu yahay xubnaha ugu sarreeya xisbiga Himilo Qaran iyo aas-aasayaasha xisbigaasi.

Waxay 2-da xisbi heestaan balanqaadyo ah in ay taageero wayn ka heli doonaan Jubaland markii lagaaro doorashada Soomaaliya halka xildhibaanada kale ay doonayaan in ay difaacdaan kursigooda waqtiga kala-guurka ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com