Hay’adaha DF Somalia oo ka cabanaya warbaahinta qaranka lacago ku xira sii deynta wararkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in madaxda warbaahinta Qaranka ay lacago laaluush ah weydiistaan guddiga Doorashooyinka marka ay codsadaan in wararkooda lagu baahiyo warbaahinta Qaranka sida SNTV iyo Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegtay Kulanka oo looga hadlayay “Siyaasadda loo dhan yahay” ee arbacadii, oo ay ka qeyb galayeen inta badan Golaha Wasiirrada, waxa ayna raacisay dhowr jeer la joojiyay wararkooda maadaama aysan lacag u waayeen.

Xaliimo Yareey oo arrintaan ku dheeraatay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in si degdeg ah wax looga qabto, lalana xisaabtamo madaxda wasaaradda oo ay sheegtay in ay warbaahinta Qaranka u bedeleen sidii shirkad gaar loo leeyahay.

Warbaahinta Qaranka ayaa baahinta wararka munaasabadaha dowladda ka qaata lacago u dhaxeeya $150 ilaa $300 (Boqol iyo konton doolar ilaasaddex boqol oo doollar), halka baahinta tooska ah ee munaasabadaha (Live)-ka ay ka qaataan $2,000 – $3,000 (laba kun ilaa saddex kun oo Doollar).

Madaxweyne Farmaajo oo aad u daneeya warbaahinta ayaan ku qanasaneyn sida ay u shaqeyso Warbaahinta Qaranka iyo hoos u dhaca ku yimid, isaga oo markii la doortay ka joojiyay xayeysiiska ganacsiga oo ay madaxda wasaaraddu lacaga badan ka sameyn jireen, balse taa bedelkeeda ay ku bedaleen iibinta wararka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com