Sarkaal reer Somaliland ah iyo ciidankiisa oo ku biiray maamulka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada dowlad goboleedkda Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa saaka shaaciyey in uu maamulkaasi u soo wareegay taliyihii aaga degmada Badhan ee Somaliland, Gurey Cismaan Saalax.

Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha uu wato dhammaan ciidamadiisa, islamarkaana ay si rasmi ah ugu soo biireen Puntland.

“Ugu dambeyn waxaan ku guuleysanay in taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay ku soo wareegaan maamulka Puntland.” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxda sare ee Puntland ay dadaal ku bixyeen soo wareegida taliyahaasi iyo ciidankiisa, wuxuu tilmaamay inuu uga mahadcelinayo arrintaasi.

“Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii ka qeyb qaadatay arrintan, sida Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Xuseen, xildhibaanada baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan sarkaalkaasi ka soo goostay.

Somaliland iyo Puntland oo isku haya Sool iyo Sanaag ayaa inta badan ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com