Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar oo la hadlaayay Warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay wadaan qalqal galinta Bulshada ku nool deegaanada Khaatumo.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ka maamul ahaan aysan aqbali doonin in la gumaado shacabka ku nool magaalada Laascaanood waxa uuna Tilmaamay in dhawaan ay qaadi doonaan dagaalo ka dhan ah maamulka Somaliland.
Maxamuud Sheekh Cumar waxa uu cadeeyay in dhamaan Ciidamadooda ay u diyaarsan yihiin xureynta goobaha ay Ciidamada Maamulka Somaliland kaga sugan yihiin deegaanada hoostaga Khatumo.
”Walaal Sabarkii ayaa naga dhamaaday Ciidamada Somaliland waxa ay gaaren heer ay faragalin iyo boob ka geystaan goobaha ganacsiga iyo xaafadaha qaar, insha allah Ciidamadeenu waxa ay ku wajahan yihiin deegaanada gobalka Sool ay ciidamada maamulkaasi ka joogaan”
Hadalka Maxamuud Sheekh Cumar ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay Ciidamada Maamulka Somaliland carqaladeeyen Munaasabad lagu caleema saarayay Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr.
Dhanka kale, Maamulada Khaatumo State iyo Somaliland waxaa horay u dhexmaray dagaalo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

