25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Wiil uu dhalay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ku geeriyooday dalka..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Masqad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allah ha-u- naxariistee Marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre, oo ku geeriyooday magaalada Muscat ee dalka Oman.

Mudane Cumar C/rashiid, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre. ayuu yiri R.W Cumar oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray qoyska reer Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News