25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

DHAGEYSO: IBBI oo Ethiopia ka door bidiyaa SOOMAALI kadib bixitaanka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda dowlada KMG aheyd ee Cumar C/rashiid, Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi, oo la hadlay Idaacada Risaala oo ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ibbi, ayaa ugu horeyn ka hadlay xaalaha dhanka amaanka ee guud ahaan dalka Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee horumar looga sameyn karo amniga gobolada dalka Soomaaliya.

Prof Ibbi, ayaa sheegay in iskaashi dhexmara laamaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya horumar lagu gaari karo, isagoo ka hadlay qorshaha badalka ciidamada Sierra Leone ee ka tagaya dalka Soomaaliya bilowda sanadka cusub.

Xildhibaanka ayaa arin wanaagsan ku tilmaamay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwii loo tababaray maamulka Axmed Madoobe ay mudan yihiin inay la wareegaan fariimaha ay ka baxayaan ciidamada Sierra Leone oo aan dalka la keenin ciidamo kale. Sida hadda qorshaha yahay waxaa ciidamada Sierra Leone

Wuxuu sheegay in xiligan la joogo waqtigii ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegi lahaayeen guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin cid dooneyso in arintaasi ay dhacdo.

Wuxuu aad u dhaliilay lacagaha badan ee la siinayo ciidamada ka socda AMISOM kuwaasi oo uu sheegay inaysan waxba ka qaban marxalada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News