Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe uu saraakiisha Ciidamada Militeriga maamulka ku amray inay hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidamada Col. Barre Hiiraale ee ku xareysan xiro ku taala Magaalada Kismaayo.
Ciidamadaani la sheegay in hub ka dhigista lagu sameynaayo, ayaa waxa ay kismaayo ku gaaren Heshiis dhexmaray Hogaamiye Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, iyadoona heshiiskaasi uu abaabulkiisu lahaa Sii haayaha wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir.
Sidoo kale, warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Ciidamadaasi ka mamnuucay inay iridka uga soo baxaan Xarunta, kadib markii uu ka cabsaday inay sameeyan falal lid ku ah Ammaanka Kismaayo maadaama laga dhigaayo hubkii ay isku difaacayen.
Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan isku dhow, ayaa suuragaliyay in gabi ahaan masraxa mucaaradnimo laga saaro Barre Hiiraale waanatan sababtay in Madaxweyne Xasan uu Axmed madoobe u aqoonsado Madaxweynaha maamulka jubba, xili uu weli taagan yahay Khilaafka maamulka iyo beelaha Kismaayo wadadega.
Dhanka kale, waxaa hada magaalada Muqdisho ku go’doonsan Col. Barre Hiiraale oo isagu laga ilaalinaayo inuu dib ugu laabto deegaanka Goobweyn sababo la xiriira cabsi laga qabo inuu dib isu abaabulo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

