27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

R/W CCC oo soo afjarar la tashiyadii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid uu soo afjaray kulamadii kala duwanaa ee uu la qaadanaayay Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo xubno ka tirsan Wasiiradii hore.

Ra’isul wasaare Sharmaarke oo siyaabo kala duwan maalmahaani ula tashanaayay Xubnahaasi laf dhabarka u ah Bulshada ayaa waxa uu hada u jiheystay isku dabaridka Liisaska horyaala oo ay ku diyaarsan yihiin Golaha xukuumada cusub.

R/W CCC waxa uu Mas’uuliyiintaasi qaarkood usoo bandhigay shaqsiyaad uu doonayay inay ka talo bixiyaan si loogu soo daro Xukuumada Cusub waxaana halkaasi kusoo idlaaday la tashiyada.

Sidoo kale, Sarkaal ka howlgala xafiiska R/W CCC ayaa inoo xaqiijiyay in CCC uu dhowaan magacaabi doono Xukuumada Cusub, waxa uuna tilmaamay inuu ka dhowr sugaayo kaliya amarka Madaxweynaha dalka.

Inta badan Golaha la sugaayo in lagu dhawaaqo ayaa waxaa u badnaan doona Wasiiro hore iyo Xildhibaano Siyaasad dhow la wadaaga Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News