Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Kismaayo waxaa siyaabo kala duwan uga socdo kulamo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirada Maamul goboleedka Jubaland.
Kulankan oo uu shir gudoominayo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa warar hordhac ah oo aanu ka helnay sheegayaan inuu yahay mid golaha wasiiradu uga doodayaan dhismaha golaha Baarlamaanka Jubaland oo la filayo in muda kooban gudahood lagu soo afmeero.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jubaland Maxmed Warsame Faarax (darwiish) oo hada ka hor munaasabad ka dhacaysay Kismaayo ayaa shaaciyay in dhismaha Baarlamaanka Jubaland la soo gabagabayn doona Bisha December balse hada aad moodo in arintaas ay dib udhacday.
Khilaaf ayaa ka taagan qaabka ay u kala qeybsan lahaayen Beelaha dega Kismaayo tirada Xildhibaanada la filaayo inay yeelato Jubbland.
Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isagu wada qorsho uu ku badsanaayo tirada Xildhibaanada, halka Wasiirada iyo Beelaha kalane ay ka biyo diidan yihiin arrinkaasi.
Lama Oga sida uu Axmed Madoobe Beelaha Kismaayo uga dhaadhacsiin doono in Xildhibaanada badi uu isaga qaato, waxaana la soo warinayaa in Kulamada ka socda labadaani maalin Villa Kismaayo ay yihiin kuwa leysu fahmi weysan yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

