25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

SACIID DENI iyo CIRRO oo bilaabay qorshaha Ceerigaabo – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in magaalada Ceerigaabo lagu wada noolaado si nabad ah, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo gobolka Sanaag.

Puntland waxay si toos ah u taageertay gogol nabadeed uu dhawaan fidiyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo maanta oday dhaqameed u dirtay gogoshaasi.

Go’aankan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid mowqifka Puntland, iyadoo horey khilaaf uga jiray lahaanshaha magaalada Ceerigaabo oo ay labaduba sheeganayaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland, Saciid Axmed Jaamac Badmaax ayaa si cad u sheegay in ay doonayaan Ceerigaabo ay wada leeyihiin dadka deegaanka, isla markaana qof walba xor u yahay fikirkiisa iyo deganaanshihiisa. Wuxuu sheegay in haddii nabad lagu heli karo taas, ay diyaar u yihiin.

“Waxaan rabnaa Ceerigaabo lawada leeyahay oo cid walba xor u tahay deegaankeeda iyo aragtideeda,” ayuu yiri guddoomiye Badmaax. “Haddii taas aan nabad ku helno, waan ku gaaraynaa, haddii kalena Alle ayaa iskeen baday,” ayuu sii raaciyay.

Si ay uga qeyb qaataan gogosha nabadda, Puntland waxay u dirtay waxgarad reer Puntland ah magaalada Ceerigaabo. Badmaax wuxuu sheegay in xubnahaas ay matalayaan rabitaanka maamulka iyo shacabka gobolka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Badmaax ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada socda, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa wixii ay noo soo qaadaan in aysan noqonayn wax aan ku dulmanahay.” Hadalkan ayaa muujinaya in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saleysan is-qaddarin iyo nabad.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan magaalada Hargeysa tegay la-taliye sare oo u dhow Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Ujeedka safarkaas oo ahaa mid diblomaasiyadeed ayaa qaatay maalmo, iyadoo La-taliyaha Deni iyo Cabdiraxmaan Cirro wada-hadallo qarsoodi ah ku yeesheen Madaxtooyadda Somaliland.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta heshiis nabadeed oo ku saabsan magaalada muranka badan ee Ceerigaabo iyo xoojinta iskaashiga ay wadaagaan oo ka dhan ah maamulka SSC-Khatumo.

Socdaalkaas ayaa yimid kadib markii Somaliland shaacisay inay diyaar u tahay martigelinta wada-hadallo nabadeed oo looga golleeyahay xallinta khilaafka muddada dheer soo jiitamayay. Qayb muhiim ah oo ka mid ah wada-hadallada ayaa ah mowqifka ay Puntland iyo Somaliland labaduba ka qabaan dadaalka SSC-Khatumo ee ku aaddan aqoonsiga dowlad goboleed federaal ah.

Puntland ahaan, beesha Dhulbahante ee hoggaamineysa SSC ayaa loo arkayay inay qayb ka ahayd qaab dhismeedka maamulkeeda tan iyo markii la aas-aasay 1998-kii.

Somaliland, dhanka kale, waxay sheegataa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn iyadoo ku salaynaysa xuduudihii gumeysiga, ka hor madax-bannaanida Soomaaliya ee 1960-kii.

- Advertisement -

Read more

Local News