SACIID DENI oo beddelay siyaasadiisa ku wajahneyd Somaliland qaatayna go’aan aan laga fileyn (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni ayaa u muuqda inuu si lama filaan ah u beddelay siyaasaddiisa ku wajahneyd Somaliland, isaga oo maanta ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somaliland ee ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag.

Deni aya ka dhawaajiyey in Somaliland ay xoog ku haysato deegaano ka tirsan Mamulka Puntland, balse waxa uu markii ugu horreysay xusay in dowlada Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal ka gasho dhulka ka maqan.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in Somaliland iyaduna ay arrintaasi ka gasho wada-hadal midaasi oo xal u noqon karta dagaaladii labada maamul ku dhex-mari jirey deegaanada goboladaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu yiri “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Somaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey, wada-hadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa”.

Hadalka Saciid Deni ayaa u muuqda si-beddel uu ka sameeyey xaaladda uu ku wajahayo Somaliland, isaga oo markii la doortay ballan ku qaaday inuu awood kusoo celinayo dhulka ka maqan, balse hadda ay muuqato inuu soo dabcay.

Madaxdii soo martay Puntland ayaa mar walba sheegi jiray in dhulka ka maqan Puntland uusan gelin gorgorton iyo wada-hadal.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa lobo daggaal ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen magaalada Tukaraq 8 Janaayo 2018kii. Dagaaladaasi waxaa ku geeriyooday boqolaal askari oo labada dhinaca ah, waxaana lagu kala qabsaday askar, Hub iyo gaadiid dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com