Saciid Deni oo ka jawaabay baaqii dowladda Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ay sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Deni ayaa ka jawaabay baaqii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fataahadaha Qaran oo shalay Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan, sidii loo samata bixin lahaa dadka ay sameysay fatahaada wabiga Shabelle.

Madaxweyne Siciid Deni oo ugu horreyn ka tacsiyeeyey dadkii shalay ku dhintay doontii ku degtay degmada Beledweyne ayaa sheegay in Puntland dowlad iyo shacab ay dhibka iyo xanuunka la qeyb sanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba.

“Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay cid kasto oo gacan ka geysan karta gurmadka inay ka qeyb qaadato, sid deg deg loogu caawiyo dadka ku dhiban gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo wada gurmad xoogan ayaa qeylo dhaan u dirtay hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka, si loogu gurmado dadka ay saameeyeen fahaadaha ka jira deegaano ka kala tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com