Sawirro: Wiil la sheegay inuu dhalay madaxweyne Idi Amin oo laga helay Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Wiil sheegay inuu dhalay madaxweynihii hore ee Uganda, Idi Amin Dada, oo muddo la baadigoobayay, ayaa laga helay Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska sida uu qoray New Vision ee kasoo baxcay Kampala.

Sheekh Cabdullaahi Idi Amin, oo haatan qof weyn ah, ayaa waxaa aqoonsaday ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo kolkii dambe baray Xildhibaano reer Uganda ah oo dhowaan booqday Soomaaliya.

Mudaneyaasha oo todobaadkan lagu soo dhaweeyay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kormeero ku kala bixiyey saldhigyadda muhiimka ah oo ay xoogagan ka joogan dalka.

Sharci dejiyeyaasha iyo Cabdullaahi ayaa ku kulmay degaanka Carbiska ee duleedka magaala madaxda Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Uganda ku leeyihiin xero iyo Isbitaal.

Wafdiga Xildhibaanada ayaa waxaa hogaaminaya Col Charles Okello Engola, oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca Uganda, kaasoo kamid ah xubnaha ay la kulmay Cabdullaahi ee sawirada la galay.

Waa kuma Cabdullaahi Idi Amin?

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Cabdullaahi ayaa haatan ah xubin ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya gaar ahaan milatariga ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.

Hooyadii oo Soomaali ah, kana soo jeeda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo aabihii reer Uganda ah, ayaa wada dhalay laba caruur oo uu Cabdullaahi kamid yahay.

Dhowr su’aal ayaa soo ifbaxaya kadib arrintan, waxaana kamida qaabka ay markii hore ku kulmeen, sidda ay isku waayeen kuna lumay Cabdullaahi iyo hadii la hayo shaqsiga kale.

Sidoo kale ma cadda in sheegashada Cabdullaahi ee ah inuu dhalay madaxweyne Idi Amin lagu xaqiijiyey dheecaanka DNA iyo in kale.

“Waligey ma aanan arkin qoyskeya ku nool Uganda,” ayuu yiri Aamiin, kaasoo wareysi siiyay wargeyska afka dheer New Vision ee kasoo baxa magaaladda Kampala.

Cabdullaahi oo haatan leh xaas iyo caruur ayaa waxaa la fahansan yahay in loo jeediyay in loo duuliyo Uganda si uu halkaas ugu qaato inta uga hartay noloshiisa.

Engola, oo farxad ka muujiyey helitaanka, ayaa u balanqaadey in uu ku xiri doono reerkiisa oo uu kamid yahay Jeneraal Taban Amin oo ah Agaasimaha Hay’adda Amniga Gudaha Uganda.

Madaxweyne Idi Amin Dada, oo dadka qaarkii yaqaanaan “Dilaagga Uganda” kaasoo geeriyooday sanadka markii uu ahaa 2003-dii ayaa wuxuu xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1971 illaa iyo 1979.

Isha: New Vision +  Garowe Online