Waddani oo shaaciyay Kacdoon shacab oo ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay in uu diyaar u yahay in uu hor kaco Kacdoon shacab oo ka dhan ah Xukuumada Somaliland, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waddani ayaa sheegay in gudaha Somaliland ay waqti xaadirkan ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha iyo midka maamulkaba ah, sidaas awgeedna loo baahanyahay in la sameeyo kacdoon shacab.

Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani oo isagu arrintaasi shaaciyay, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay baal-martay sharcigii iyo qawaaniintii dalka, isla markaana loo baahanyahay kacdoon shacab, wuxuuna yiri

“Waddankeena dhibaatooyin waaweyn ayaa ka jira, dadku waxay khaati ka joogaan Nidaamka maamul ee maata jira iyo habka Dawladnimadeenu u socoto, markaa Xisbigu wuxuu diyaar u yahay inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo”.

“Kacdoonkaa shacabkuna wuu bisil yahay, waana diyaar, Xisbiguna waa u diyaar inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo, oo haddii xukuumaddu shuruucda iyo qawaaniinta ku joogi waydo la yidhaahdo ‘Maya’”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Mas’uuliyaddeeda waxaanu qaadaynaa inta aanu ku leenahay, dadku markay soo baxaan ee ay halkaa soo istaagaan, Askariga xabadda ku rida ayaa Mas’uuliyaddooda qaadaya iyo ka amarka soo siiya ayaa qaadaya Mas’uuliyadda wixii ka yimaadda, Dadkuna xaq bay leeyihiin inay (banaan-baxaan), askarigana xaq uma laha inuu xabad ku rido”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com