KENYA oo iska fogeysay go’aankii ABIY AHMED ee xiisadda ka abuuray IGAD

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay inay wax kaalin ah ku lahayd go’aanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xoghayaha guud ee ururka IGAD ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkiisa Workneh Gebeyehu.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey inay helaan xilkan, maadaama Itoobiya ay hayso guddoomiyenimada ururka oo ah Abiy, halka Kenya uu kasoo jeedo xoghayaha guud ee xilka ka degaya Maxbuub Macallin.

Diblomaasiyiin ayaa laga soo xigtay in tallaabadan ay ku heshiiyeen Kenya iyo Itoobiya, si ay isku weydaarsadaan labada xil ee ugu sarreeya ururka, ayada oo la filayo in xilka guddoomiye ee Abiy uu la wareego Uhuru Kenyatta.

Si kastaba, diblomaasi Kenyan ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Kenya aysan waxba ka ogeyn go’aanka lagu magacaabay Workneh Gebeyehu, islamarkaana uu yahay mid si shaqsi ah uu u qaatay Abiy Ahmed.

“Waxaan rumeysannahay in magacaabista xoghayaha guud ee wanaagsaneyd in la sugo ilaa shir madaxeedka ururka oo laga wada tasho” ayuu yiri diblomaasiga Kenyanka ah.

Waxa uu sheegay in go’aanka ay dalalka ee ururka u arki karaan mid muujinaya in Itoobiya aysan dooneyn in cid kale ay wax ku yeelato hoggaanka ururka, taasna aysan sax ahayd.

Itoobiya ayaa xilka guddoomiyenimo ee ururka haysay tan iyo sanaddii 2010, halka Kenya ay haysay xilka xoghayaha guud, tan iyo sanaddii 2008.

Soomaaliya weligeed ma aysan qaban mid ka mid ah labada xil ee sare ee ururka, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dadaal u galay in la siiyo xilka xoghayaha guud, balse waxaa muuqata in Abiy Ahmed uu ku takri-falay awooddiisa hoggaamineed.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadal arrintan, hase yeeshee waxaa waddaa dadaallo ay qeyb ka tahay Jabuuti, oo xilalka ururka looga dhigayo kuwa wareegga oo dhammaan dalalka xubnaha ah ay u siman yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com