SACIID DENI oo ku sii jeeda dalka Itoobiya + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta oo Isniin ah ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow madaxtooyada maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Deni gelinka dambe ee maanta uu ka amba-bixi doono magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Ujeedka safarka madaxweyne Siciid Deni ayaa la xiriira arrimaha horumarinta ganacsiga iyo wax soo saarka dhanka Khudaarta, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono inta uu joogo Addis Ababa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Puntland ayaa xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhanka ganacsiga & wax soo-saarka gudaha la leh dowladda Itoobiya.

Si kastaba Deni ayaa horey safaro ugu kala bixiyey dalalka dariska sida Jabuuti, Kenya iyo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya.