Sidee siyaasiyiinta xilalka ka qabta DF Soomaaliya ugu laaban karaan Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland ayaa shaacisay shuruudo adag oo laga rabo dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee xilalka ka qabta Soomaaliya, haddii ay dib ugu laabanayaan magaalada Hargeysa iyo meelaha kale.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasi kasta oo xil ka soo qabta dowladda Soomaaliya uu ku soo laaban karo Somaliland , balse laga rabo inuu iska casilo xilka, kadibna uu ka tanaasulo mowqofkiisa midnimada ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marka hore qofka laga rabo inuu fikirkiisa ku caddeeyo qoraal iyo cod, sidoo kalena uusan markale dib ugu laabaneyn dambigaasi.

“Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka  waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu shaaciyey in n Somaliland ay kor kala socon doonto qofkasta oo dhabar jabiyey qaranka, sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxaa qoraalkani digniin culus loogu diray dadka baraha bulshada ee Internet-ka ku faafinaya wararka kale ee liddiga ku ah Somaliland, iyada oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniintu u siman yihiin sharciga iyo dastuurka u yaalla maamulkaasi.