Deni oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda taagan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland.

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood.

“Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni.

Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan;

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)
7. Xassan Caballa Xassan Xubin

Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”