Saciid Deni oo war kasoo saaray qaraxii la sheegay in ay ku lug lahayd QATAR

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka hadlay warbixin uu qoray wargeyska New York Times ee laga leeyahey dalka Mareykanka, oo shaacisay qarax ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta oo ay ku lug lahayd Qatar.

Siciid Deni oo daahfuray bandhigga buugaagata ee Garoowe ayaa ka hadlay warbixin uu wargeyska New York Times ka qortay qaraxyo Boosaaso ka dhacay ayuu Baarlamanka federaalka ka codsaday in baadhitaanno lagu sameeyo.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha ay u diidaan taageerada DF ee Puntland ee muddooyinkan.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

“ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com