Sacuudi Carabiya oo diidmo adag u gudbisay Mareykanka ka hor booqashada Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaddidaad cad u dejisay Madaxweyne Donald Trump iyo wafdigiisa kahor booqashadooda rasmiga ah ee bisha May: waa in aan laga hadlin arrinta caadiyeynta xiriirka Israa’iil.

Fariintan waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan Al-Sacuud, intii uu booqasho ku joogay Washington DC bishii hore si uu uga shaqeeyo diyaarinta safarka Trump, sida ay Middle East Eye u xaqiijiyeen laba sarkaal oo Carbeed oo xog ogaal u ah kulamada.

Inkastoo ay tahay arrin caadi ah in diblomaasiyiintu horay isula meel dhigaan ajendaha kulamada madaxda sare, codsiga Sacuudiga wuxuu muujinayaa welwelka boqortooyada ee ah in qaabka deg-degga ah ee uu Trump u hadlo uu sababi karo xaalad siyaasadeed oo qalafsan, gaar ahaan mar haddii kaamiradaha hortooda la joogo, taasoo keeni karta ceeb siyaasadeed oo ku timaadda Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan.

Dhaxal-suguhu wuxuu si cad ugu eedeeyay Israa’iil in ay xasuuq ka geysaneyso Gaza, isagoo ka tarjumaya dareenka carada shacabka Sacuudiga ee ka dhashay weerarrada Israa’iil ku hayso dhulkaas, halkaasoo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta, in ka badan 52,000 oo qof — badankood dumar iyo carruur — lagu dilay.

“Boqortooyadu si dhab ah ayay uga go’an tahay in aysan ku dhicin wax khiyaano ah oo la xiriira Israa’iil inta lagu guda jiro booqashada. Arrintaas si cad ayaa loogu sheegay Washington,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Carbeed ee la hadlay Middle East Eye.

Amiir Faysal ayaa la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, 9-kii April. Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid furan, haddana arrinta ah in Sacuudigu doonayo in laga reebo ajendaha wadahadalka ee caadiyeynta xiriirka Israa’iil looma shaacin si rasmi ah.

Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan ka jawaabin codsi waraysi oo ay u dirtay Middle East Eye.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la fogeeyay

Sarkaal kale oo Carbeed ayaa sheegay in Amiir Faysal uu kulankii kadib dareemay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka aysan lahayn door muuqda oo go’aannada siyaasadeed ah.

Wuxuu u sheegay mas’uuliyiinta in Rubio iyo waaxdiisu “gebi ahaanba laga reebay” meelaha go’aamada lagu gaaro.

Khamiistii, Rubio ayaa si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay la-taliyaha ammaanka qaranka, isaga oo weli sii haya xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibadda, kadib markii Trump uu shaqada ka eryay Mike Waltz. Labada mas’uulba waxay wajahaan cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya taageerayaasha Trump ee mabda’a “America First.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Aqalka Cad midna kama jawaabin codsiga waraysi ee Middle East Eye.

Trump ayaa si fagaare ah u taageeray go’aankii Israa’iil ee ahaa in ay ka laabato xabad-joojintii Janaayo una laabato dagaalka Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, kahor safarkiisa Khaliijka, wuxuu muujiyay hadal dabacsan.

“Waa in aan wanaag u muujinaa Gaza… Dadkani way silcayaan,” ayuu Trump ku yiri hadal uu sheegay inuu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, asbuucii hore.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tammy Bruce, ayaa Khamiistii tiri: “Waxaan dooneynaa in gargaarka dib loo bilaabo,” iyadoo ka jawaabeysay su’aal la xiriirtay Gaza.

“Ma jiri doonaan wax lama filaan ah”

Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Trump waxay yeesheen xiriir dhow xilligii koowaad ee madaxweynenimada Trump. Waxay isugu xirnaayeen si fudud, iyadoo dhaxal-suguhu uu si toos ah ula xiriiri jiray Jared Kushner, wiilka soddoga u yahay Trump iyo la-taliyihii hore ee Aqalka Cad, oo uu si joogto ah farriimo ula wadaagi jiray. Xilligan, Steve Witkoff ayaa noqday ergayga cusub ee Trump.

Sacuudiga wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Trump booqdo sanadkii 2017 marka uu xilka la wareegay.

Labada sarkaal ee Carbeed ayaa u sheegay Middle East Eye in booqashadan cusub ay halis gaar ah u leedahay boqortooyada, iyadoo loo eegayo dagaalka Israa’iil ee Gaza. Sidaa darteed, Riyadh waxay si dhow u maaraynaysaa dhammaan faahfaahinta socdaalka, xitaa dhinacyada farsamada.

“Ma jiri doonaan wax lama filaan ah, codsiyo kedis ah — ha ahaadeen kuwo dadweynuhu maqlaan ama kuwo gaar ah,” ayuu yiri sarkaalkii labaad.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Sacuudigu wuxuu doonayaa in booqashada lagu koobo saddex qodob oo muhiim ah: heshiisyada milatari, barnaamijka nukliyeerka Iran, iyo dhaqaalaha.

Wakaaladda Reuters ayaa horay u soo werisay in maamulka Trump uu tixgelinayo heshiis hub ah oo gaaraya $100 bilyan, oo ay ku jiraan wadahadallo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Trump ayaa aqbalay inuu booqdo Sacuudiga kadib markii dhaxal-suguhu ballan qaaday in boqortooyadu ay $600 bilyan ku maalgelin doonto Mareykanka afarta sano ee soo socota.

Heshiisyada Abraham Accords

Trump wuxuu marar badan shirarka jaraa’id kaga hadlay sida uu u arko in fidinta Heshiisyada Abraham ay sahlan tahay.

Bishii Febraayo, shir uu la yeeshay Netanyahu ayuu Trump si cad uga hor yimid siyaasadda rasmiga ah ee Sacuudiga isagoo sheegay in Riyadh aysan shardi ka dhigin dowlad Falastiini ah si ay xiriir ula sameyso Israa’iil. “Qof walba wuxuu doonayaa hal shay – nabad,” ayuu yiri.

Isla mowqifkaas ayuu Trump ku celiyay wareysi uu 22-ka April siiyay Time Magazine, isagoo yiri: “Waxaan rumeysanahay in Sacuudiga uu kusoo biiri doono Heshiisyada Abraham.”

Trump wuxuu heshiisyadii Abraham ee 2020 — kuwaasoo Israa’iil xiriir diblomaasiyadeed kula yeeshay Imaaraadka, Baxreyn iyo Morooko — u arkaa inay ka mid yihiin guulihiisa ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Maamulkii Biden wuxuu isku dayay inuu fidiyo heshiisyadaas si uu dib ugu hagaajiyo xiriirka Riyadh, kadib markii Biden uu sheegay inuu dhaxal-sugaha ka dhigi doono “go’doon” dilkii Jamaal Khashoggi awgiis.

Laakiin go’doomintaas waxay u rogtay dhibaato siyaasadeed kadib markii Ruushku weeraray Ukraine, taasoo sare u qaaday qiimaha tamarta, iyadoo wada-xaajoodkii nukliyeerka Iran uu istaagay.

Mareykanku wuxuu isku dayay inuu heshiis dhex dhigo: Sacuudiga oo caadiyeeya xiriirka Israa’iil, beddelkeedana wuxuu heli lahaa damaanad amni oo Mareykanku bixiyo, heshiisyo hub oo degdeg ah, iyo taageero barnaamijkooda tamarta nukliyeerka ee rayidka ah.

Sanadkii 2023, warar joogto ah oo saxaafaddu heshay ayaa muujinayay in Mareykanka iyo Sacuudigu ay dhow yihiin heshiis ballaaran.

Senator Lindsey Graham — oo noqday dhex-dhexaadiye u dhexeeya Riyadh iyo maamulka Biden — ayaa xitaa sheegay in haddii Sacuudigu uusan xiriir la yeelan Israa’iil kahor dhammaadka 2024, “daaqaddaasi xirmi doonto.” Wuxuuna ka gaabsaday sababta.

Falanqeeyayaal iyo saraakiil Carbeed ayaa sheegaya in mid ka mid ah sababihii weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ee ay Xamaas ku qaaday Koonfur Israa’iil uu ahaa in la carqaladeeyo heshiiska caadiyeynta xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil, si mar kale Falastiiniyiinta loogu soo celiyo ajendaha Carabta.

Intii lagu jiray dhageysi ka dhacay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah Talaadadii, Maxamed Sacuud Alnasser — Agaasimaha Arrimaha Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga — ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay “ku kacday falal foolxun” oo ka dhacay Gaza, isla markaana ay “go’doomin arxan-darro ah” saartay deegaankaas.