25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo aad u caraysan kadib shirkii Sharma Sheekh + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sharm el-Sheikh (Caasimada Online) – Waxaa jiray laba maqnaansho oo si weyn u muuqday magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar markii Donald Trump iyo Abdel-Fatteh el-Sisi ay isu keeneen madaxda caalamka si ay u adkeeyaan uguna dabaal-degaan heshiiska xabbad-joojinta Gaza: Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed.

Ka maqnaanshahooda waxay ahayd fariin cad oo muujinaysa in labada awood ee Khaliijka ay aad uga go’an tahay inaysan u oggolaan Masar inay qaadato iftiinka iyo ammaanta, sida ay u sheegeen Middle East Eye ilo Sacuudi, Imaaraadi iyo Masri ah.

Shirkan ka dhacay xeebta Badda Cas waxaa si wadajir ah u guddoominayay madaxweynayaasha Masar iyo Maraykanka, waxa uuna muujiyay doorka muhiimka ah—ee muranka badan—ee Masar ka ciyaartay intii uu socday xasuuqa Israa’iil ee Gaza.

Qaahira badanaa waxaa loo adeegsaday goob wada-xaajood sanadihii la soo dhaafay, iyadoo maamulka Masar uu dhex-dhexaad ka ahaa wada-hawlgalayaal kale sida Qatar.

Hase yeeshee, Masar waxa ay sidoo kale daawanaysay iyadoo Israa’iil xirtay isgoyska Rafah ee u dhexeeya Gaza iyo gacanka Sinai ee Masar, taasoo qayb ka noqotay go’doomin abuurtay macluul ka taagan Marinka Gaza.

Dhanka kale, gudaha dalka, mas’uuliyiinta Masar waxay si adag u cabburiyeen ku dhawaad dhammaan muujinta garab is-taagga Falastiiniyiinta lagu weerarayo Gaza.

Xiisadaha noocan ah ee uu abuuray dagaalka Gaza ayaa sidoo kale laga dareemay Khaliijka, halkaasoo ay khasab noqotay in la isku dheellitiro xiriirka qarsoodiga ah ee lala leeyahay Israel iyo carada shacabka ee sii kordhaysa ee ka dhalatay xasuuqa.

Maadaama ay yihiin dalalka ugu qanisan gobolka, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay bixiyaan inta badan kharashka gargaarka bini’aadannimo iyo dib-u-dhiska Gaza.

Saraakiil Sacuudiyaan iyo Imaaraati ah ayaa ku doodaya in dalalkoodu, sidaas darteed, ay tahay inay door weyn ka ciyaaraan qaabeynta mustaqbalka Gaza.

Diblomaasi Masaari ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa u sheegay Middle East Eye in Riyadh iyo Abu Dhabi, markii ay Sharm el-Sheikh u soo direen wasiirro halkii ay ka imaan lahaayeen madaxdoodu, ay “muujinayeen sida ay uga cago-jiidayaan inay Masar siiyaan saaxad weyn ama sharaf dheeraad ah.”

“Masar waxay toddobaadyo ku jirtay indhaha caalamka iyadoo dhex-dhexaadinaysay wada-hadallo aan toos ahayn oo horseeday xabbad-joojin jilicsan oo dhexmartay Israel iyo Xamaas,” ayuu yiri diblomaasiga.

“Hase yeeshee, Riyadh iyo Abu Dhabi, dareenkaas wuxuu sababay niyad-jab. Labada dowladoodba waxay aaminsan yihiin inay mudnaayeen in loo aqoonsado kaalintii ay ka geysteen fududeynta heshiiska, gaar ahaan marka la eego saameynta ay ku leeyihiin Washington.”

Sharaf iyo aragti

Masar, oo leh ciidan weyn oo uu Mareykanku taageero, dad tiro badan, xiriir la leh Israel, kuna taalla isku-xirka Bariga Dhexe iyo Afrika iyadoo deris la ah Falastiin, ayaa taariikh ahaan ahayd quwad weyn oo Carbeed.

Laakiin booskaas wuu daciifay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii dalalka Khaliijka Carabtu ay noqdeen kuwo qani ah oo saameyn leh, halka dhaqaalaha Masarna uu hoos u dhacay.

Tan iyo markii uu Sisi xukunka la wareegay 2013-kii, kaddib markii uu afgambi militari ah xukunka kaga tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto ee Masar, Maxamed Morsi, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta waxay ahaayeen xulafadiisa ugu muhiimsan, iyagoo siiyay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo la taaban karo.

Taageeradan ayaa si gaar ah muhiim ugu ahayd dowladdiisa xilliyada ay jireen culeysyada dhaqaale.

Sidaas darteed, Khaliijka, Masar waxaa loo arkaa inay tahay saaxiib yar.

Marka laga soo tago arrimaha sharafta, xiisadaha ku saabsan Gaza waxay muujinayaan kala qaybsanaan aragtiyeed oo qoto dheer.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta labaduba waxay muddo dheer shaki ka qabeen Xamaas, iyagoo u arkayay inay tahay astaan iska-caabbin Islaami ah oo kicin karta dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo gudaha ah.

Mohammed bin Salman wuxuu si xoog ah ku meelmariyay isbeddello bulsho oo qalqal geliyay qaybaha muxaafidka ah iyo kuwa dhaqanka ee bulshada Sacuudiga, soo jiidashada Xamaas oo ku qotonta diinta, madax-adayga iyo sharciyadda shacabka, ayaa ka dhigaysa cadow dabiici ah oo uu leeyahay dhaxalsugaha.

“Boqortooyadu waxay ka cabsi qabtaa in sheekada Xamaas ay la dhacdo Sacuudiyiinta kuwaasoo horeyba su’aalo uga keenay jihada cusub ee xorriyadda ee dalka,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed sare oo Sacuudiyaan ah oo ku dhow qasriga boqortooyada.

“Isku soo wada duuboo, labada dal ee Khaliijka waxay ka niyad jabeen sida loo soo gabagabeeyay wada-xaajoodyada, gaar ahaan maadaama xabbad-joojintu ay ku guuldarraysatay in gebi ahaanba la burburiyo Xamaas,” ayuu raaciyay.

“Waxay u arkaan joogitaan kasta oo Xamaas uga haray, xitaa haddii aysan mar dambe xukumin Gaza, inay tahay bam saacadaysan.”

Sidoo kale, Imaaraadka Carabta wuxuu sannado badan hoggaaminayay olole goboleed oo ka dhan ah Islaamka siyaasiga ah, isagoo beegsanayay kooxaha ay ka mid yihiin Ikhwaanul Muslimiin iyo Xamaas, kuwaasoo uu u arko inay khatar ku yihiin awoodda dawladda iyo tan boqortooyada.

“Imaaraadku wuxuu u arkaa badbaadada Xamaas inay tahay dhacdo tusaale xun noqon karta,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed Imaaraati ah oo ku dhow qoysaska talada haya.

“Riyadh iyo Abu Dhabi labaduba si wadajir ah ayay uga soo horjeedaan xabbad-joojin kasta oo u oggolaanaysa Xamaas inay sii jirto.”

Xifaaltan hore iyo xiisado cusub

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada Middle East Eye, Mohammed bin Salman wuxuu isku dayayay inuu isku muujiyo nabad-doonka cusub ee dunida Carabta, hoggaamiye casri ah oo awood u leh inuu keeno xasillooni kaddib sannado ay gobolka ka jireen qalalaase.

“Laakiin, iftiinkii wuxuu aaday Qaahira,” ayuu xusay ilo-wareedka Sacuudiga. “Taasi waxay ahayd mid ay adkeyd in la liqo.”

Qaahira dhexdeeda, indhaha lagama qarsan maqnaanshaha hoggaamiyeyaasha Khaliijka.

Saraakiishu waxay si hoose uga cabsi qabaan inay taasi culeys dheeri ah saari karto xiriirka markii horeba jilicsanaa sababo la xiriira caqabadaha dhaqaale iyo isbahaysiyada gobolka ee isbeddelaya. Xitaa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa is khilaafsanaa sannadihii u dambeeyay maadaama uu loollanka u dhexeeya sii kordhayo.

“Ka-qaybgal la’aantoodu waxay diraysaa farriin xooggan, taasoo muujinaysa in labada caasimadoodba aysan ku faraxsanayn sida ay Masar u maareyneyso arrinta Gaza, gaar ahaan Riyadh,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareedka diblomaasiyadeed ee Masar.

Iyadoo ay Masar u safreen hoggaamiyeyaal sare oo ajnabi ah sida Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, hadana waxaa xusid mudan in matalaadda Carabtu ay ahayd mid liidata marka laga soo tago Sacuudiga iyo Imaaraadka. Cumaan, Suuriya iyo Lubnaan dhammaantood waxay soo direen wafuud aanay hoggaamin madaxdoodu.

“Waxay ahayd farriin diblomaasiyadeed,” sida uu yiri khabiir dhinaca amniga Bariga Dhexe ah.

“Waxay muujinaysaa sida ay dunida Carabtu u kala qaybsantay, iyadoo u dhexeysa shaki laga qabo qorshaha Mareykanka, cabsi laga qabo in xiriir lala yeesho Israel iyadoo aan caddaalad loo helin Falastiiniyiinta, iyo baahida loo qabo in la xakameeyo carada shacabka iyadoo la ilaalinayo xiriirka reer Galbeedka.”

Falanqeeye fadhigiisu yahay Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye in “iyadoo aan la helin mowqif Carbeed oo mideysan, heshiis kasta oo ka soo baxa Sharm el-Sheikh wuxuu halis ugu jiraa in loo arko mid dibadda laga keenay halkii uu ka imaan lahaa gobolka dhexdiisa.”

“Shir-madaxeedka waxaa loogu talagalay inuu muujiyo in Masar ay hoggaanka dib ula wareegtay,” ayuu yiri falanqeeyuhu. “Laakiin kuraasta bannaan ee hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay sheegeen sheeko ka duwan, mid ku saabsan kibir, siyaasad iyo xifaaltan aan dhammaan.”

- Advertisement -

Read more

Local News