Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay in muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar ay ka mamnuucday in ay galaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.
Hay’adda NHRC ee Xuquuqda aadanaha Qadar, ayaa heshay cabasho ka timid muwaaddiniinta Qadar ee doonaya in ay cumreystaan sidoo kalena u diyaargaroobaan Xajka, kuwaas oo hadda la kulmaya mamnuucid aan sax ahayn.
Go’aanka ay dowlada Sacuudiga ku mamnuucday in muwaadiniinta Qadar ay ku cibaadeystaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka, ayaa waxaa ka hor imaaday Dowlado dhowr ah.
Dowladaha Kuwait, Maqrib, Muritania iyo Turkiga ayaa qaadacay go’aanka ay dowlada Sacuudiga ku mamnuucday in Shucuubta Qadar ay ku cibaadeystaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.
Dowladahaani ayaa sheegay in Xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar aysan saameyn ku yeelan karin Muwaadiniinta Qadar ee Cibaada doonka ah.
Sidoo kale, war qoraala oo kasoo baxay dowlada Kuwait ayaa waxaa lagu sheegay in Sacuudiga aan lagu taageeri doonin inay qaadato go’aan lagu caburinaayo in Muwaadiniinta Qadar looga mamnuuco Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.
Go’aanka Dowlada Sacuudiga ee Masaajidka Barakeysan ee Xaramka looga mamnuucaayo Muwaadiniinta Qadar ayaa cirka kusii shareeri doonta xiisada, waxaana suuragal ah in Sacuudiga uu talaabadaasi ku kasbado Mucaarad xad dhaaf ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]