Sacuudiga oo ku dhawaaqday arrin cusub oo sii kordhineysa xiisada kala dhexeysa CANADA

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday shaqo joojin ay sameyneyso Safaaradooda dalka Canada.

Shaqo joojinta ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqay Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga oo ku duulaya amar kasoo baxay Xafiiska Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ayaa sheegay in shaqooyinkooda Safaarada Canada ay dib u bilaabi doonaan kadib isbedelka ku imaan doona go’aan dowlada Canada ay ku faragalineyso arrimaha Sacuudiga.

Safiirka iyo Diblumaasiyiinta Sacuudiga ka joogta Safaarada Canada ayaa la sheegay in loo qabtay in 24 saac ay uga soo baxaan dalkaasi, halka Canada ay diblumaasiyiinteeda durba kala baxday Safaarada ay ku leeyihiin Riyadh.

Dowlada Sacuudiga ayaa tan iyo markii ay Dhaxalsugaha Boqortooyada u aqoonsatay  Maxamed Bin Salmaan qaaday talaabooyin lagula loolamaayo dowladaha reer galbeedka, taasi oo laga cabsi qabo in Sacuudiga ay cagaha kula gasho colaado halis galinkara amnigeeda.

Dowlada Canada wali kama aysan hadal go’aankaani ka dhashay kadib caro ay Dowladda Sacuudiga ka qaaday tallaabada dowladda Canada uga hadashay xariga dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana ay ku tilmaamtay mid faragelin ku ah arrimaha gudaha Sacuudiga.

Si dhab ah looma saadaalinkaro sida uu noqon doono xiriirka labada dal waxaana aad looga cabsi qabaa in arrinka uu intaa kasii adkaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com