Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka Awoodeed ee Gobolka una dhaxeeya Dalalka Sucuudiga iyo Iiraan ayaa mar kale soo shaacbaxay iyada oo Dowladda Sucuudiga ay sheegtay in ay Sladhig Milatari ka dhisaneyso Dalka Jabuuti.
Jabuuti waa goob ay hadda aad ugu badanayaan Saldhigyada Milatariga,waxaana Saldhigyo Milatari ku leh Waddamada Faransiiska,Mareykanka, Shiinaha,waxaana ku soo biiray Sucuudiga.
Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Riyaad,Dhia-Eddin Bamakhrama, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galaayo heshiiska labada dal ay ku kala saxiixanayaan hirgelinta Saldhigga Milatari ee Sucuudiga ka furanayo Dalka Jabuuti.
Sida ay qortay Gulf News, heshiiska Labad Dal waxaa uu ku saabsan yahay dhinacyada Amaanka, Dhaqaalaha diblomaasiyadda iyo Ganacsiga, waxaana Dowladda Sucuudiga ay Jabuuti kaga beddelaneysaa Saldhiggan i ay ka taageerto dhinacyada kor ku xusan.
Bamakhrama, waxaa uu intaa ku daray in heshiiska uu dhigayo in Saldhigga Sucuudiga uu ka dhisanayo Jabuuti uu noqonayo mid Cirka, Dhulka iyo Baddaba ah,islamarkaana ay Sucuudiga muujinneyso kordhinta Awooddeeda Gobolka.
Sucuudiga waxyaabaha uu Saldhiggaasi u adeegsan doono waxaa ka mid ah Diyaaradaha aan duuliyah alahayn ee ka howlgala Dalka Yemen ee uu isaga leeyahay iyo kuwa duuliyaha leh labaduba.
Tani waxaa ay dhabar jab ku tahay Dowladda Iiraan oo Sucuudiga kula xifaaltameysa Awoodda Gobolka Bariga dhexe.
Sucuudiga wxaa auu heshiisyo noocan ah la sameeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan,inkasta oo aan wali la dhisin Saldhigyadaasi,waxana uu Sucuudiga markan doonayaa in uu ku baaqo Qaaradda Afrika.
Ka hor inta Jabuuti aanay xiriirka u jarin Iiraan,Jabuuti waxaa ay ahayd goob ay Iiraan Gurmadka ay u fidineyso Xuuthyiinta ka dagaalllamaya Yemen ay u m,arsiiyo Jabuuti,waxaana khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Iiraan iyo Sucuudiga uu galaaftay Xiriirkii Jabuuti ito Iiraan.
Xigasho Gulf News
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

