Saddex arrin midkood ayaa la gudboon AXMED XAAF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa u muuqda nin go’adoon ah siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan. Dhowaan waxaa Cadaado lagu dhisay madaxweyne kale, sidoo kale wuxuu awoodi waayay inuu Cadaado tago ama uu maro wuxuuna ku qasbanaaday inuu Nicolas Haysom kula kulmo Gaalkacyo.

Gal-Mudug waxaa ka muuqda dhaqan maamul sii kala tagaya, waxaana Xaaf uu noqon karaa gacanta ay sababsan doonto Gal-Mudug.

Villa Soomaaliya ayaa soo afjartay tixanihii siyaasadeed ee Shariif Xasan waxaana hada la is weydiinaya hogaamiye xige oo ay beegsan doonto.

Cabdicasiis Maxamed Shidane oo ka mid ah dadka sida weyn wax uga qora arrimaha Soomaaliya ayaa saddex talo oo caafimaad qabta usoo jeediyay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf.

Saddexda tallo:

1- In uu Maamulka Galmudug mideeyo, oo uu isku keeno siyaasiyiinta kala fadhisa Cadaado iyo Dhuusamareeb, ka dibna uu Madaxtooyada Qaranka si toosa u la hishiiyo, sida uu gartay Madaxweyne Waarre oo beelihii iyo waxgaradkii shalay wax u dhiibtay wax ka maqlay, taladoodiina si toosa u wada qaatay.

2- In uu xilka iska casilo, isaga oo badbaaddinaya waxa yarkaa ee ka haray Maamulka Galmudug, sida uu horay u sameeyey Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddana uu ka sameeyey Koonfur Galbeed, Madaxweyne Shariif. Waa karti iyo garasho qudheedu.

3- In uu buuq, kalaqaybsanaan, colaado sokeeye, argagixiso iyo go’doomin siyaasadeed uu ku dhammeysto inta yar aa ee uga dhiman xilkiisa, waana fekradda ugu liidata ee qofi sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com