Saddex arrin oo sababay in xildhibaanada BF ay noqdaan kuwii ugu liitay taariikhda

Labo boqol iyo sagaal (209) xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan ayaa jaamacad ka baxay. Boqol, afartan iyo siddeed (148) kamid ah heerka koowaad (bachelor degree) ayey ka gudbeen. Konton iyo saddex (53) kamid ah waa heerka labaad. Siddeed (8) xubnood ku talax tag (PhD) aqooneed ayey leeyihiin. Boqolleyda xubnahaas waa todobaatan iyo shan dhibic lix (75.6%) wadarta guud ee Golaha Shacabka.

Labo boqol sagaal iyo labaatan (229) xubnaha Golaha Shacabku waa dhalinyaro iyo da’ dhexdhexaad ah oo u dhiganta siddeetan iyo saddex (83%) boqolkiiba. Waa Golihii ugu aqoonta (warqadaha) iyo dhalinyarta badnaa ee ebid inna soo mara. Sidaa si lamida waa Golihii ebid isla xisaabtanka, kor joogteynta xukuumadda iyo metelaadda liitay taariikhda Soomaaliya.

Saddex (3) arrin ayaa sabab u ah ceebahaas:

1. dhalinyaro baahan oo horey noloshooda usoo maareyn inta aysan siyaasadda soo gelin oo Golaha ka buuxa;

2. Dhalinyaro aan wax waayo aragnimo ah laheyn oo shaqadii ugu horreysay u noqotay in ay xildhibaan noqdaan iyo

3. Duruufta Soomaaliya oo sahleysa in qof aan tayo, karti iyo sooyaal laheyn sahal wax ku noqdo.

Waxaan xog ogaal u ahaa sida xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Jubaland, ka yimid ku yimaadeen. Afartan iyo saddexda (43) xubnood ee Jubaland ka timid sodon iyo lix (36) kamid ah ayaa dhalinyaro wax kusoo baratay Kenya, Yurub iyo Waqooyi Amerika ah. Haddana waa xubnaha ugu metelaadda liita, ugu xisaabtanka yar, uguna saameynta hooseeya Golaha Shacabka.

Sababta Xildhibaanada ina metela u muunad liitaan waa in waayo arag iyo waayeel mashaqada dalkeenna hortaal wax fahamsan ku yar yahay.

Faro marnaanta iyo faqrigu waa cadow ka daran amni xumada, fadqallalada siyaasadeed iyo mashaqo kasta oo ummad ku habsata. Allah SWT ayaa Suuratul Quraysh si wacan ugu suureeyey in ‘‘gaajadu tahay cadow ka daran colaadda’’ asaga oo u manna sheeganaya Qureysh in uu faqri iyo collaad ugu badelay barwaaqo ka hor soo bixiddii Nebi Muxammad (CSW).

Xildhibaan faro–maran oo sahal rabbaayad ku noqon kara in laga feejignaado waaye tookadaan. Keliya dhalinyaro iyo aqoon (warqad) dad wata uma baahnin ee dad nololshooda soo maareeyey oo diyaar u ah in ay tan guud hagaajiyaan ha la doorto.

Ruux shaqo doon ah waa kaa shaqeysan sidii dhacday February 8, 2017 oo a Jazeera iyo SYL noqdeen xaruunta dhexe ee Xildhibaanada. Waa halkii Mahatma Gandhi ka yiri, ‘‘calool marani qaddiyad malahan= empty stomach has no principle!’.’

Mahad Geelle – Waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo degan gobolka Minnesota ee Mareykanka. Waxaad kala xiriiri kartaa facebook.com/mahadgelle 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid