Saddex caruur ah oo Gaajo iyo haraad ugu dhintay Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xaaladda nololeed ee gobolkaasi ay ka sii dareyso marba marka ka dambeysa, iyada oo ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay jirto dhimasho ka dhalatay abaarta baahsan ee ka jira halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa saddex caruur ah ay Gaajo iyo Haraad saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Caruurta ayaa labo ka mid ah waxa ay ahaayeen walaalo, kuwaas oo ku dhintay deegaanka Cows Qurun, halka mid kalena uu ku geeriyooday duleedka Ceelwaaq.

Abaarta ayaa saameynta ugu daran waxa ku yeelatay qoysaska danta yar, gaar ahaan kuwa xoolo dhaqatada & beeraleyda, kuwaas oo aan helin wax gurmad ah.

Si kastaba xaaladda murugsan ee ka jirto Gedo ayaa kusoo aadeysay, iyada oo beryihii dambe ay cirka isku sii shareereysay qeylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka gobolkaasi.