Saddex dhibaato oo ayaamo laga nastay oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo amni ahaan ka degan sidii hore ayaa labadii asbuuc ee tagay waxaa kusoo kordhay falal amni darro, oo noocoodo muddo aan magaalada lagu arag.

Mushkiladaha iminka ka jira magaalada Muqdisho saameynta ugu badan ku yeesha dadka shibilka ah kuwaa oo ka dhaca dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mushkiladaha hadda ka jira magaalada Muqdisho oo u badan xiliyada Habeenkii ayaa waxaa kamid ah:

1 – Dhaca Moobilada, Laptoobyada iyo Adeegyada ay wataan shacabka.

2 – Dilalka mishinada ah ee loo geysta dadka indheer garadka ah ee ku dhexjira Bulshada kuwaa oo u badan kuwo ka dhashay dhulalka dhaxalka iyo kuwa la kala boobay.

3 – Dhaca Mooto Bajaajyada oo kusii kordhaaya magaalada Muqdisho.

Falalka ugu badan ee la xiriira Seddexda dhibaato ee kor ku xusan ayaa waxaa geysta shaqsiyaad ku hubeysan qoryaha fudud iyo dharka ciidamada, gaar ahaan kuwa Militeriga.

Degmooyinka ugu badan oo ay ka dhacaan falalkaani ayaa waxaa aad ugu yar ciidamada dowlada oo badankooda qafiifiya howlaha loo igmada mushaar xumi jirta aawgeed.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka noocaani oo dhowr sano ka hor ay ka jireen Degmooyinka ayaa iminka u muuqda kuwo kusoo dib loosoo celshay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska London 
Caasimada@live.com