Saddex dhibaato oo joojiyey isticmaalka inta badan waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa qarka loo saaran yahay in magaalada Muqdisho la waayo gaadiid ka shaqeeya kadib markii ay go’een inta ugu badan wadooyinka magaalada caasimadda ah.

Dadweynaha ku nool gobalka Banaadir iyo wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in bilo kadib la weyn doono gaadiid ka shaqeeya Muqdisho, haddii aan la helin xal deg deg ah si loo baajiyo qatarta soo wajahan ee dhanka gaadiidka.

Saddexda dhibaato ee ugu daran islamarkaana ka taagan Muqdisho ayaa kala ah.

1 – Inta ugu badan wadooyinka Muqdisho waxay u xiran yihiin dowladda Soomaaliya oo dhigtay ciidamo ka celiyo gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

2 – Qaar kale oo kamid ah wadooyinka Muqdisho waxaa lagu jaray dhagaxaan iyo carra tuurro kuwaas oo aan suurta gelin karin in gaadiidka iyo dadweynaha ay isticmaalaan.

3 – Iyo dhibaatada 3-aad oo ah inta soo hartay wadooyinka magaalada Muqdisho ay jareen roobabka ka da’ay gobalka Banaadir. Wadooyinka ayaa go’ay waxaana ka qodmay godad waa wayn oo hakiyay gaadiidkii isticmaali jiray halka qaarkood ay ciid buux dhaafisay.

Gaadiidka ayaa hada isticmaala xaafado qarda jeex ah iyo wadooyin aan badneen kuwaas oo meela dhaxa lagu joojiyo gaadiidka maadama aysan gudbi karin burbur aawgiis.

Dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa ilaa hadda aan waxba ka qaban arintaan waxaana loogu baaqay ciid magaalada buux dhaafisay ee ka qaado iyo in dib u habeen lagu sameeyo wadooyinka roobka ku burburay.

Dhinaca kalena, waddooyinka xiran ayaa u muuqda kuwa aan la furi doonin, ayada oo tani ay qeyb ka tagay sugidda amniga, ayna gacan ka gaysteen in la yareeyo qaraxyadii baabuurta ee magaalada.