Saddex horjooge oo Shabaab ah oo hal goob lagu dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo iskaashanaya ayaa maanta howlgal culus oo lagu beegsaday Shabaab ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu khaarijiyay horjoogayaal sar sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo duqeyn ahaa uu ka dhacay degmada Moqori, uuna u qabsoomay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka argagixisada ah.

NISA aya shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, isla markaana dhibaato ku hayay dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraalka.

“Saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hayโ€™adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska hay’adda NISA.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah horjooge sare Cabdi Xiiray, oo ay NISA sheegtay inuu ka dambeeyay dhagaro badan oo Shabaab ay ka geysatay deegaannada HirShabelle. Ma caddeyn magacyada labada kale ee lala dilay horjoogan oo caan ka ahaa deegaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan aagga Moqokori oo ah halka lagu beegsaday Al-Shabaab, isla markaana jabka culus maanta lagu gaarsiiyay.

Moqokori ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee ay dhawaan dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna dhalisay hadal heyn xooggan, kadib markii ay kasoo laabteen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo NISA iyo saabixada caalamiga ah ay dhawaan ku beegsadeenย goob ay isku uruursanayeen 400 oo Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaas oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu dilay illaa 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda, sida ay horay u shaacisay NISA.

Sidoo kale inta uu socday howgalka ayaa waxaa lagu dhaawacay 13 kale oo kamid ah maleeshiyaadka lagu diyaarinayay deegaanka la duqeeyay ee Ceel-dhiiqo Weyne.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur” ayaa lagu yiri warka.

Si kastaa, ha’ahaatee, NISA ayaa maalmihii dambe xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda, si looga saaro degmooyinka iyo deegaannadii ugu dameeyay ee ay soo galeen.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News