Saddex tallaabo oo Puntland ay qaaday oo ka dhigaya in aanay xal gaari karin DF

Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sida dowlad madax-banaan oo kale, waxaa si weyn usoo ifbaxday khilaaf huursana muddo oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland 9-kii bishaan ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Khilaafka siyaasadeed ee Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa la fahamsan yahay in xiligaan ay adag tahay in xal laga gaaro dooda Puntland, maadama ay shuruud ka dhigatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa gooni isu-taag.

Haddaba, waxaa isdul taagi doona saddex arrimood oo sii murjinaya in xal laga gaaro xiisadda dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah;

1. Magacaabistii Sabtidii: Saciid Deni ayaa Sabtidii shalay ahayd magacaabay guddi uu sheegay inay galayaan wada-xaajoodyada federaaleynta dalka, hase yeeshe ma cadda cidda ay la hadlayaan, maadama uu maamulkiisa soo bandhigin faahfaahinta wada-hadalo hoose oo Deni iyo madaxda dalka dhex-maray.

2. Doodda Salkeeda: Waxa aad u yar dadka u qiil sameynaya dooda xiligaan ee Puntland, taasi oo falanqeeyaasha qaarkood u arkaan arrin kasoo fushay madaxweynaha hadda xilka haya Saciid Deni, uuna doonayo in uu ku gurto miro-siyaasadeed oo u gaar ah.

3. Wada-hadalada DF iyo Somaliland: Arrimaha sii murjinaya in xal laga gaaro muranka jira ayaa waxa kamid ah in Puntland ay miiska soo saartay rabitaankeeda ka qeyb noqoshada wada-hadalada Somaliland, taasi oo la fileyn waqti dhow, sida ay leeyihiin falanqeeyayaasha.

Geedi-socodka dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalin weyn ku laheyd Puntland sida la ogyahay ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii u horeysay oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.