Saddexda arrin ee xalka uga baahan Swan ee ay ku jirto xiisadda DF iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire James Swan ayaa shalay kusoo laabtay Soomaaliya, si uu markale u hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ninkan Ameerikaanka ah ayaa arrimaha Soomaaliya ku lug lahaa tan iyo 1993-dii. Waxaa lagu tilmaama mid macalin ku ah maareynta xaaladaha kala guurka ah iyo xalinta mushkiladaha siyaasiga ah.

Saddex xaaladood oo buuq badan ayaa hadda yaalla Soomaaliya, labo Soomaalida ayaa isku haysa, midna wuxuu la xiriira xafiiska loo soo magacaabay Swan.

1. Dowladda dhexe iyo Puntland xiisadooda xal ma u heli doona?

James Swan si wanaagsan ayuu u garanayaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu lasoo macaamilay iyagoo isku saf ah, hadda’se xalkooda ayaa xeelad uga baahan.

Saciid Deni ayaa ka baxay Golaha Wadatashiga Qaran, maamulkiisa ayaa qaadacay isbeddelka dastuurka, waxayna gunaanadkii kalsoonida kala laabteen dowladda dhexe.

Gabadha British-ka ee Swan uu shaqada ka beddelay ayaa dhowr jeer isku deyday inay dhinacyada xaliso, laakiin kuma guuleysan. Dowladda dhexena waxay ka dareentay inay dhanka Puntland u badan tahay.

Khilaafkani xal uma ahan Soomaaliyada raadineysa inay cagaheeda ku istaagto. Haatan waxaa la eegayaa Swan iyo sida uu u maareeyo xiisadda Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ee isku rogtay xiisadda Puntland iyo dowladda dhexe.

2. Dastuurka

Mucaaradka waxay ku doodayaan in guud ahaan uu madaxweyne Xasan Sheekh beddelay dastuurkii lagu doortay, taasina ay shaki-gelinayso sharciyaddiisa. Halka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku doodayo inuu ku howlan yahay dhameystirka dastuurkii hore oo uusan mid cusub sameynin.

Danjire James Swan wuxuu hoggaaminayaa xafiiska UNSOM oo maareynta khilaafyada noocaan ah uga wakiil ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Weli madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu dhameystiro 15 cutub ee dastuurka, mucaaradkuna diidmo ayay la hortaagan yihiin, waxaana la eegaya sida uu James Swan isugu soo dhaweeyo dhinacyada ama u qaato sax ahaanshaha hal dhinac.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa weli si cad u taageerin isbeddelka madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka dastuurka.

3. Qorshaha Soomaaliya ee xiritaanka xafiiska UNSOM

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegtay damaceeda ku aadan xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Inkasta oo warqaddii hore ay deg deg ula laabatay Soomaaliya oo kadibna ay mid ka dabacsan dirtay, haddana Muqdisho waxay weli naawileysa in xafiiskan laga dulqaado ama awoodihiisa la dhimo, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay u aragto mid dhantaalaya madax-banaanida dalka.

James Swan sida uu arrintaan u qaabeyn doono ayaa iyadana il-gaar ah lagu eegi doona, wallow ay jiri doonaan la-tashiyo badan oo lala yeelan doono dhamaan dhinacyada Soomaalida oo ay ku jiraan dowladda dhexe, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.