Safarka Biixi oo laba qodob muujiyey: Fashilka Puntland iyo go’aanka Dhulbahante

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan bilaabay safaro uu ku kala bixinayey gobollada maamulkaas oo uu ugu magacdaray “Safarka nabadda iyo Midnimada”.

Goobaha uu booqday Muuse Biixi waxaa ka mid ah gobolka Soo xilli uu u sii gudbay tuulada Tukaraq oo a meel ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo ciidamada maamulka Puntland.

Tukaraq waxaa ka jirtay xiisad dagaal oo tan iyo bishii Janaayo markaas oo ay xoog kula wareegeen ciidamada difaaca ee Somaliland.

Socdaalka Muuse Biixi waxa uu xaqiijiyey laba qodob.

1 – In lagu kala adkaaday dagaalkii gobolka Sool

Maamulka Somaliland waxa uu Laascaanood oo ah xaruta gobolka Sool xoog kula wareegay 2007 iyaga oo ka eryaday maamulka Puntland oo ka arriminayey.

Wixii intaa ka dambeeyey waxaa gobolka ka dhacay dagaalo goos goos ah oo ay Puntland ku sheegeysay in ay ku xorreyneyso deegaankaas, welina aysan wax guulo ah ka gaarin.

Hase ahaatee, ilaa iyo hadda oo ay xiisadi ka taagan tahay, waxa muuqata in Somaliland ay ficil ku muujisey in ay gebi’ahanba uga adkaatay Puntland dagaalkii gobolka Sool, taas waxaa xaqiiinaya in Biixi ka sii hordhoco in uu booqanayo Sool iyo Tukaraq kana dhabbeeyo halka Puntland ay soo saarto warqado booto ah oo hadda laga daalay aqrintooda.

2 – Bulshada reer Sool (Dhulbahante) oo boqolkiiba 80 ku siyaasad noqday Somaliland

Waxaa jirtay waqti la kala qeybiyo bulshada gobolka Sool iyada oo lagu andacoon jiray in beesha Jaamac Siyaad ay la socoto Somaliland, balse inta kale ee degta gobolka Sool aysan raacsaneyn ama ogoleyn Somaliland, hase yeeshee, waxaa marag madoonto ah in manta Dhulbahante 80% ay isku siyaasad noqdeen beesha dhexe ee Isaaq oo ay dhabarka u jeediyeen Majeerteen.

Beelaha awoodda leh ee hadda ka xarig furtay Puntland ee aaminsan laba midkood; in ay maamul sameystaan iyaga u gaar ah oo Dhulbahante u dhan yahay ama ay wax la qeybsadaan Isaaq waxaa ka mid ah Ogaadhyahan, Axemd Garaad, Barkad, Bahararsame iyo dhammaan ita ay beesha Dhulbahante ka kooban tahay.

Waxaa sabab u ah arintaas Puntland oo ka badin weyday in ka hano qaaddo halkii ay 10 sano joogtay iyo maamulkii ay Harti wada dhisteen oo isugu biyo shubtay saddex jiifo hoose oo ka mid ah Majeerteen ee loo yaqaan Maxamuud Saleebaan.

W/Q: Guuleed Axmed Baashe
Hargeysa, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid