Mareykanka: Soomaali ku qasbay shirkada Amazon waxaysan weligeed sameyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah  ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha.
Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha.
Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u siman yahay. Muslimiinta waxaa u sii dheer inay u baahanyihiin waqti ay ku tukadaan. Haddii suuligi la isu xisaabiyay waqti lagu tukado in bilaash la isku siiyo ma meeshaba kuma jirto.
Hasa yeeshee Soomaalidu in badan ayay ka adkaadeen shirkadaha waaweyn ee ay u shaqeeyaan. 2005’ti shirkadda ugu weyn ee tafaariikhda iibiso dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Tesco ayaa sidaas oo kale soomaali u shaqaynaysay ku qasbeen wada xaajood, ka dib marki ay diideen inay ka shaqeeyaan khamriga. Waqigtaan waxaa soomaalida la shaqaynayay muslimiin badan oo Aasiyada fog kasoo jeedo iyo kuwa Afrikaan ah. Muslimiintaan dood badan kama aysan keenin inay guraan khamriga balse Soomaalida ayaa isa soo taagtay. Shirkaddi waxay isku dayday xeel iyo xoog intaba inay arrintaan soomaalida marsiiso. Dhinac waxay ugu hanjabtay inay shaqada ka eryi doonto, dhinaca kale waxay raadisay fadwo culimo oo ogol inay muslimiintu khamriga ka shaqayn karaan taasoo ay soo heleen QIIL. Labadiba Soomaalidi mari wayday.
Laga yaabo inta aanan aqoonta u lahayn sharciyada shaqada iyo shaqaalaha waddamada Galbeedka inay la yaabayaan sababta aan loo cayrin karin qof kuu shaqeeyo. Shaqaaluhu waa labo nooc: Mid ku meel gaar ah oo waqti yar aad kiraysato iyo mid joogta oo heshiis waqti dheer lala galo. Kan hore xuquuq badan ma lahan oo shaqadiisu waa joornaati maalinle ama asbuuc leh ah. Midka labaad xuquuq badan oo heshiiskaas ku cad ayuu leeyahay.
Wixii aan heshiiskas aan ku jirin ee shirkaddu gadaal ka keento xaq ayuu u leeyahay inuu diido shaqana lagama eryi karo. Haddii ay dhacdo in laga eryo dacwo ayuu furi magdhow badan inuu helo ayayna u badan tahay. Sidoo kale, arrimaha la xariiro diidamaha iyo dadka laga tirada badan yahay sida khaniisiinta xuquuq lama taabtaan ah ayay leeyihiin.
Labadi xeeladodba shirkaddi u shaqayn wayday marki danbana waxay ku khasbanaatay inay aqbasho sidi ay Soomaalidu rabtay oo ahayd inay ka shaqeeyaan wixii diintoodu ogoshahay. 2012’ki aniga in la hadlayo iyo soomaali kale oo aan wada shaqayn jirnay ayaa isla shirkaddaas Tesco maxkamad la fuulnay ka dib markii ay nagu dhibeen salaaddi. 2013’ki ayaa kiiski nalo xukumay xoogaa magdhow ah oo aan badnayna waa nagala siiyay. Kiiskaan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee dad ku doodayo in diin darted lagu takooray ay ku guulaysteen. Horay waxaa u dhacday dacwado ay gaysteen shaqsiyaad masiixi ahaa oo ka cowday in lagu dhibay diintooda laakiin kuma aysan guulaysan dacwadoodi.
Mar walba oo Soomaalidu dagaal intaas la eg oo qaarkiis sanado qaatay ay galayso Muslimiin iyo dad kale oo dhibka la qabo ayaan far dhaqaajin wixii loo sheegana yeelo. Haddaba waxaa maxay sababta ka adanbayso dhiirranaanta Soomaalida waase maxay sababta ay ugu guulaystaan inta badan dagaalka ay galaan.

Marka hore, waxaa jiro ismaandhaaf. Soomaalida qurbaha tagto waa dad dhalinyaro ah, aqoon aan lahayn kana yimid dal burbursan. Sawirka laga haysto ayaa ah dad baahan oo hadda nolol cusub arkay, sharciga dalka aan aqoon, lacag ay garyaqaanno ku qabsadaan aan haysan af ay dacwo ku gudbistaanna aan aqoon. Arrimahaan oo la isku daray waxay keenaan inay maamulayaashu ay Soomaalidu la shaqayso isku dayaan inay cadaadis badan saaraan si xoogganna ugu shaqeeyaan.

Dhinaca Soomaalida badownimada ka hayso sharciga dalka, afka aysan aqoon iyo awood la’aanta dhaqaale ayaaba ah midda keenayso inay isa soo mutaxaan. Si aan u fahanno waxa aan kaga jeedo aan eegno dadka kale. Dadka loo yimid waa kuwo lagu barbaariyay sharciga. Waxay u kala cabsadaan sida loo kala darajo badanyahay. Wixii la yiraahdo waa sharciga shirakadda kuma dhiirran karaan inay jabiyaan waayo caaqibada ayay ogyihiin. Intooda badan shaqada ay hayaan dhowr fac ayay kusoo jireen oo aabbayaashood ayay ka dhaxleen sidaas awgeed in shaqo laga soo cayriyo ama lagu eedeeyo ma shaqayste waxay sumcad darro ku tahay qoyska oo dhan. Madaxtinimadu qiimo badan ayay u leedahay. Ruuxa horjoogaha u ah si xooggan ayay uga baqaan madaxda sarana wajigooda xataa ma fiirin karaan.

Ixtiraamka madaxda iyo cabsida sharciga waxaa usii dheer in lagu barbaariyay kalinimo (individualism). Taasi waxay ka dhigantahay naftiisa mooyee qof kale wax kama galin. Haddii saaxiibkiis la shaqayn jiray sanado badan qaraabo dhowna ay yihiin si walba loo dhibo wuxuu dhihi isagay u taallaa ee ha is furdaamiyo. Sababtu waa bulshada uu ku dhex koray ayaa sidaas u nidaamsan oo qof walbow naftaa la yiri nooc walba oo nolosha ka mid ah.

Intaas waxaa dheer inay intooda badan dayn ku jiraan. Ma jiro ruux qaangaar ah oo aan dayn qabin. Sanadkaan warbixin la qoray waxay tustay in celcelis ahaan qof walba oo Maraykan ah lagu leeyahay $38000 (Soddon iyo siddeed kun oo doolar). Deyntaan kuma jirto midda guryaha iyo baabuurta lagu qaato ee tirada badan ee waa midda dukaamaysiga caadiga ah lagu galo. Deymaha nuucaan ah waa kuwo bille loo bixiyo, hal bil oo ay kugu go’dana kuu horseedi karto dulsaar xad-dhaaf ah iyo ganaax. Sidaas darteed shaqada oo laga eryo waxay ooga dhigantahay inay xabsi galeen.

Soogalootiga aan Soomaalida ahayn way ka dhaqan duwanyihiin Soomaalida. Qaar sida caddaanka ayay ka yimaadeen dhaqammo sharciga iyo madaxda aad loo ixtiraamo. Qaar in shaqaalaha la guumaysto caadi ayay ka ahayd oo midda ay hadda yimaadeen ayaaba nasri u ah. Dadka sidaan ah waxaa u badan Aasiyaanka. Qaar cabsi rabbaani ah ayaa hayso sida dadka madow. Madowgu isagoo si walba u shabbaho Soomaalida oo aysan jirin caano ka daadanayo ayaysan ku dhiirran karin inay ka hadlaan dhibka lagu hayo.

Haddaba sawirka aad caddaanka kasoo aragtay garab dhig Soomaalida. Maamulayaashu 99% waa caddaan. Waxay filayaan dhaacada dadkooda oo kale iyo mid kasii badan maadaama ay u arkaan in ajaanibtu ka hoosayso caddaanka. Ninki sidaas qabay waxaa u yimid Soomaali aan waligiis shaqayn, waligiis aan arag aabbo iyo adeer shaqo u socdo. Sharci iyo nidaam la ilaaliyo aysan ku jirin manhajka wax lagu baro. Halka ruuxa cad maamule uu la murmay ay ceeb u keenayso reerkiisa, soomaaliga maamule si xun ula hadlay oo uusan ka falcelin ayaa fadeexad ku ah qoyskiisa iyo qabiilkiisa oo dhan.

Halka caddaanku ku shaqeeyaan “ninwalbow-naftaa”, Soomaalidu waa “walaalkaa u gargaar”. Sanadki 2007’di ayaa innagoo shaqo ku jirno waxaa ii yimid wiil soomaali ah oo xanaaqsan (waa wiilka aan Tesco maxkamadda wada saarnay). Hadba dhinac ayuu u ordayaa tobaneeyo Soomaali ah oo meesha ka shaqayso ayuu isu aruurinayaa wuxuuna leeyahay kasoo baxa shaqada. Marki uu yimid isagoon waxba ii sharrixin ayuu igu yiri soobax soobax anna waan raacay.

Illinki laga bixi lahaa markaan marayno ayaa waxaa na joojiyay maamule heer dhexe ah wuxuuna yiri suga waxyar. Wuxuu u yeeray mid ka sarreeyay wadahadal ka dibna dib ayaan shaqadi ugu noqonnay. In badan oo aan anigu ku jiro waxaan usoo baxnay xataa ma ogin. Markaan laabannay ayaa niri maxaa jiro. Waxaa naloo sheegay Xasan oo Soomaali ah inuu Mark oo aan wada naqiinnay inuu nin xun yahay af-dhaajiyay ka dibna caayay. Arrinti Xasan iyo Mark joogtay waxay Soomaalidi ka dhigtay Soomaali iyo Ingriis. Xasan-ka dhaqan iyo akhlaaq midna kuma uusan dhaammin Mark laakiin beel weynta Soomaaliyeed ayuu ka dhashay ilmo adeerro gacan fudud ayaana u joogo!.

Tallabada aan maalinkaas qaadnay sharci ahaan caaqibadeedu waa ruqso aan racfaan lahayn. Waayo lama ogala kooxaysi. Labo haddii ay tabasho jirto jid loo maro ayay shirkaduhu leeyihiin oo ciddi wax tabanayso warkeeda lagu maqlo. Saas oo ay tahay digniin xataa nalama siin laakiin inaysan mar danbe dhicin ayaa na loo sheegay muddo bilo gaartayna si joogta ah ayaa naloola kulmi jiray si loo xaqiijiyo inay tabashadi dhammaatay iyo in kale.

Kooxaysiga waa awoodda ugu badan ee ay Soomaalidu leedahay markay la macaamilayso shirkadaha dhiig-miiratada ah. Ma jirto qowmiyad kale oo fudaydkaas dhiiggeeda lagu kicin karo. Lama heli karo dad aan isku dan ahayn oo haddna hal ruux dantiisa danahoodi dhan oo qarribo. Hab-dhaqankaan waxaa loo arkay mid waalli iyo ku dhisan sharciga howdka. Sidaas darteed marki ay dhacdo shirkaduhu waxay garwaaqsadaan inaan laga guulaysan qof aan sharci aqoon. Sidaas ayay u door bidaan inay xeer jajab kula macaamilaan Soomaalida.

Sidoo kale, marki maxkmad la tago qaalliga waxaa u sawiran arrinta intaan oo qofka ah isku mamda’a ka dhigtay inaysan sahlanayn. Qaalliyadu waa odayaal waaya-arag ah aadna u yaqaan xad-gudubyada shirkadaha sidaas awgeed waxay aad u tuhmaan in la isku dayay in Soomaalida iyo soogalootiga si gooni loo bartilaamadaysto aqoonta la’aanta iyo af la’aanta awgeed. Garyaqaannada u doodo Soomaalida ayaa iyaguna sidaas oo kale hadalka u dhigo. Arrimhaan oo la isku daray waxay sahlaan in qaalligu dhinaca shaqaalaha dacwada qabo u bato.

Tan ugu danbayso ee Soomaalidu far soo dheeraatay u noqotay waa inaan deyn lagu lahayn. Meel walba oo ay tagto Soomaalidu wali waa ree guuraa. Si fudud uguma milmaan dalalka ay tageen dhaqankooda. Daymaha ay u baahanyihiin waxay ka qaateen Soomaali kale. Shayga kaliya ee ka xaaraanta ah Soomaalida waa dulsaarka (arrintaan hadda isbaddal ayaa ku socdo) sidaas darteed guri deyn dulsaar leh kuma qaataan. Si kooban ruuxa soomaaliga ah ee xammaaliga ah waa awr caddaysin ah. Wax ka dhulyaal iyo wax ka lumaya oo aan ka ahayn biilka uu qoyskooda u diro ma jiraan. Taasi dhib waa ku filantahay laakiin dhaqankeenna ah inaan barri laga fakerin iyo in waxwalba qaddar Eebbe loo tiiriyo ayaa keeno in aannan waxba ka nixin.

Ugu danbayn Soomaalidu waxay arrimo yaab geesinimo iyo dhiirranaan leh ka muujiyeen waddamada ay tageen. Meelaha ay ka shaqeeyaan ma qaataan xad-gudub iyo hoosayn. Taasi maahan inay marwalba iyagu saxanyihiin ee inta badan wax caadi ka ah goobaha shaqada ayay dood ka keenaan maadaama aysan fahamsanayn ama dhaqan ahaan aysan horay usoo baran.

Arrintaan inkastoo dhinac ay ka tahay mid lagu farxo dhinaca kale waa mid mugdi ah. Dhaqankaan waa dib u dhac u keenayo horumarka iyo nabadda dalkeenna. Ismaqalka, ixtiraamka madaxda iyo ka baqidda sharciga oo la waayo waxay ka dhigantahay in loo noolaado sida lagu noolaa barigi miyiga. waxaa la heli doonin shaqaale soomaali ah oo dhaga fudud kana shaqeeyo horumarka dalka. Waxaa dhici doonta marki dalku billaabo horumar ballaaran in la waayo shaqaale carbiyaysan oo Soomaali laguna qasbanaado in dalalka dariska ah laga keeno shaqaale badan taasoo dhib weyn ku ah qoysaska soomaaliyeed. Arrinta nuucaan waa mid hadda ka taagan dalalka Khaliijka oo dhaqammo badan aan iska shabbahno.

Waxaan qabaa in iskoollada, malcamadaha iyo jaamacadaha lagu tarbiyeeyo caruurta iyo dhalinta waxbarashada ku jirto si ay diyaar ugu noqdaan shaqo iyo shaqaalenimo.

W/:Q Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/