24.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Safarka madaxweyne Farmaajo ee Afgooye oo buriyay balan-qaadyadiisii hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa safar niyad dhis wanaagsan u ah Shacabka ku dhaqan deegaanada Shabeelaha Hoose gaar ahaan ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Safarka ayaa ujeediisa waxay aheyd inuu madaxweynaha u tagaa ciidamada xooga Soomaaliyeed ee ka howlgala Shabeelaha Hoose, iyo inuu u kuurgalaa xaalada ay ku noolyihiin.

Walow safarka sidaasi uu ahaa ayaa haddana wuxuu ka hor imaanayay safarka balanqaadyadii uu horey u sameeyay madaxweyne Farmaajo, walow xaalad amaan lagu tilmaamo ka karo go’aanka uu qaatay.

Safarkaasi ayaa saameeyay dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo dadweyne ee wadada isku xirta Afgooye iyo magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha uu horey u balanqaaday inaan waddo loo xiri doonin.

Xili hore ayaa la xiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka xaqiijiya maadaama safarka uu ahaa mid dhulka uu ku marayay gaadiidka ciidamada.

Sidoo kale wuxuu saameeyay safarka madaxweynaha kumanaan qoysas ah oo ku sugan hareeraha waddooyinka kuwaasi oo inta badan aanan heysan nolosha wax ay ku maareeyaan, maadaama ay u shaqo tagi jireen deegaanada ku xeeran.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News