Yaa maamula Muqdisho?: Amisom oo Taabit tustay cidda magaalada ka talisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa si siman uga soo horjeestay warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed kaa oo ahaa in gaadiidka AMISOM laga mamnuucay wadada Makka al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Kulan ay Taliyayaasha ugu sareeya Taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho ku yeesheen Xarunta Xalane ayaa waxaa lagu qaadacay go’aanka Guddoomiyaha Gobolka uu gaadiidka uga mamnuucay wadad ugu muhiimsan ee Makka al-Mukarama.

Kulanka Taliyayaasha iyo Saraakiisha Taliska ayaa waxaa lagu sheegay inaanu suuragal aheyn in gaadiidka AMISOM aysan isticmaalin wadda muhiimka ah,waxa ayna ku andacoodeen in wadadaasi ay mareen u tahay ciidamada xiliyada ay isbedelka shaqo sameynayaan.

Waxa ay sheegen in ciidamada AMISOM lagu sameeyo Isbedel dhowrkii saacba sidaa darteed uu amarkaasi caqabad ku noqon doono howlaha ay ciidamada AMISOM u joogan Somalia.

Waxa ay sheegen in amarkaasi uu ka dhigan yahay mid lagu caburinaayo howlaha ciidamada AMISOM, waxa ayna ku baaqen in dib u eegis lagu sameeyo amarkaasi si loo ogaado saameynta uu ku yeelan karo shaqooyinka ciidamada.

Taliyayaasha iyo Saraakiisha ayaa isku raacay in amarka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka uu wiiqaayo dadaalka ay ciidamada AMISOM ugu jiraan nabadeynta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Taliyayaasha iyo Saraakiisha waxa ay Madaxda Qaranka ugu baaqen in lasoo saaro amaro kale oo suuragalinkara in ciidamada AMISOM ay u kala gooshan xarumaha ay ka howlgalaan si xiliyada isbedelka ay u helaan fursado ay ku isticmaalan wadada Makka al-mukarama.

Tallbada uu Taliska AMISOM ku qaadacay amarka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili ciidamada AMISOM ay si joogta ah uga qeybqaatan howlgalka ka socda magaalada Muqdisho oo har iyo habeenba ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET