Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa dib u dhigay booqasho uu qorsheynayay inuu ku yimaado Soomaaliya, taas oo ka mid ahayd socdaalkiisa sanadlaha ah ee Sannadka Cusub ee Afrika, sida ay Jimcihii sheegeen saraakiil Soomaali ah.
Dib u dhiggani wuxuu hakiyay booqasho la filayay inay noqoto tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah ku yimaado Soomaaliya tan iyo 1980-meeyadii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sababta dib u dhaca iyo jadwal cusub la shaacin doono goor dambe. Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha kama aysan bixin wax faallo ah, mana aysan ka jawaabin codsi warbaahintu u dirtay.
Booqashada Soomaaliya waxay ku jirtay qorshaha safar soconaya 7 ilaa 12-ka Janaayo, oo Wang Yi ku marayay Itoobiya, Soomaaliya, Tansaaniya iyo Lesotho. Beijing ayaa sheegta in Afrika ay ahayd halkii ugu horreysay ee wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha uu u safro sannad kasta, muddo 36 sano oo xiriir ah.
Wang Yi wuxuu safarka ka billaabay Itoobiya, halkaas oo uu Khamiistii kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, warshadaha cagaaran iyo dhaqaalaha dhijitaalka.
Jimcihii ayuu gaaray Dar es Salaam si uu u sameeyo booqasho shaqo oo laba maalmood ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Tansaaniya. Waxa kale oo la filayaa inuu uga sii gudbo Lesotho, ka hor inta uusan safarku ku soo dhammaan 12-ka Janaayo.
Jadwalkan waxaa diiradda lagu saarayaa helitaanka marinno ganacsi oo istaraatiiji ah Bariga iyo Koonfurta Afrika, iyadoo Beijing ay doonayso inay adkeyso marinno badeed oo muhiim ah iyo silsiladaha sahayda kheyraadka.
Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in booqashada dib u dhacday la filayay inay Muqdisho siiso dhiirrigelin diblomaasiyadeed, kaddib markii Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland — gobolka waqooyiga Soomaaliya ee ku dhawaaqay gooni-isu-taag 1991 — inay tahay dowlad madax-bannaan.
Shiinaha ayaa dhaleeceeyay go’aanka Israel. Shir jaraa’id oo dhacay 29-ka Diseembar, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, ayaa sheegay in Beijing ay “muujinayso walaac weyn” isla markaana ay taageerto madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay Somaliland “qayb aan ka go’i karin” dhulka Soomaaliya.
Lin Jian wuxuu sheegay in arrinta Somaliland loo arko arrin gudaha Soomaaliya ah oo ay Soomaalidu u xallinayaan, wuxuuna ugu baaqay dalalka ka baxsan gobolka inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay faragelin aan loo baahnayn.
Soomaaliya ayaa sidoo kale wajahaysa xiriir sii xumaanaya oo kala dhexeeya Washington, kaddib markii Mareykanku sheegay inuu hakiyay kaalmooyinka si toos ah uga faa’iideeya dowladda Soomaaliya, iyadoo uu jiro muran la xiriira burburinta bakhaar ay WFP ku lahayd dekedda Muqdisho iyo eedeymo ku saabsan leexinta gargaar. Soomaaliya way beenisay wax khalad ah.
Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay inay weli filayaan in booqashada Wang Yi dib loo qorsheeyo, balse ma aysan bixin waqti cad.

