Safiir ka bad-baaday weerarkii Maka Almukrama oo sheegay qaab cajiib ah oo uu ku baxsaday!

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka Danjire Maxamed Maxamuud Tifoow ayaa ka warbixiyey qaabkii lagu badbaadiyey markii mashaqada ay ku qabsatay xalay hoteel Makka.

“Walaahi markii ay wax dhacayeen waxaan joogey hoteelka gudihiisa, gaar ahaan qolka aan hoteelka ka degenahay, adigu abaarihii markay tahay 4:30 kii qarax ayaan maqlay, oo ahaa mid aad iyo aad u weyn, wuxuuna ka dhacay dibada hoteelka, kadibna xabado ayaa biloowdey,” ayuu yiri safiirka.

Wuxuu sheegey in ciidamada dowladda ay isaga usoo gurmadeen “anigu markii ay xabbada dhacaysay, oo meel laga boxo iyo meel kale aanan la kala aqoonin, oo irdihii iyo wixii oo dhan ay burbureen markaasi kadib ayaan ciidamadii amniga u yeertey, iyagaa iisoo gurmaday, iyagaana iga saaray hoteelka, “Aniga jaranjar ayaa la’ii keeney oo aan kusoo dagay” .

Waxa uu sheegey in isaga uu xili hore qolkiisa isaga xaroodey, islamarkaasina uusan arag weeraryahanada.

Waxaanan sidiisa oo kale u nasiib badneyn safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Ganeva Danjire Yuusuf Bari Bari oo ay Tifoow aqoon fiican isu lahaayeen.

Mas’uuliyiin kale oo safiir Tifoow hoteelka kula jirey ayaa iyaguna sidoo kale laga badbaadiyey hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com