Boorama (Caasimada Online) – Hay’adda Dambi baarista Somaliland ayaa shaacisay natiijada baarista toogashada safiir ku-xigeenkeeda Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Maxamed.
Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal, Maxamed Cabdullaahi Muuse, oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaristii ay sameeyeen ay muujisay in safiir ku-xigeenka uu isagu xabbad isku dhuftay.
Toogashadan ayaa 17-kii September ka dhacday magaalada Boorama, waxaana tan iyo markaas soo baxayay tuhunno falkaas la xiriirinaya sirdoonka Jabuuti, maadaama ay ahayd markii labaad ee la weeraro safiirka, iyadoo hore loo sheegay in wadada isku xirta Boorama iyo Gabiley loo galay safiir ku-xigeenka.
Natiijada baarista ee uu shaaciyay taliska dambi baarista Somaliland ayaa meesha ka saaraysa tuhunnadii laga qabay toogashooyinkii is-xigxigay ee lagu bartilmaameedsaday safiir ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti.
“Saddexda qashar (fooqa xabbadda) ee aan soo helnay, xabbaddan nool (xabbad aan weli la ridin) iyo dhaawaca isaga gaaray waxay caddeynayaan in rasaasta ay tiisii ahayd, sababtoo ah rasaasta meesha ka dhacday iyo bastooladda uu isagu haystay waa Turkish,” ayuu yiri Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaa noo soo baxday in rasaastii iyo bastooladda uu adeegsanayay ay is leeyihiin, taas ayaana ku caddeynaynaa in fal-dambiyeedkaas uu isagu isku geystay, oo aysan cid kale u geysan safiir ku-xigeenka.”
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca safiirka laga helay uu ahaa mid gudaha afkiisa ah, iyadoo aysan jirin wax dhaawac kale ah, taasna ay ku xaqiijiyeen inuu isagu isku geystay dhaawaca.
“Baarista waxaa noo soo baxday in bastooladda afka la galiyay laga riday, maadaama gudaha uusan ka muuqan dhaawac culus, keliya waxaa la tolay laba qodob gudaha, halka daanka dibaddiisa laga tolay sagaal qodob,” ayuu yiri Taliyaha laanta dambi baarista gobolka Awdal, isagoo sheegay in xabbaddu bannaanka uga soo baxday, taasna ay caddeyneyso inuu isagu istoogtay.
Hoos ka daawo muuqaalka

