SAFIIR Tarsan oo hadal yaab leh ka sheegay KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo hadal ka jeediyey kulan lagu taageerayey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Tarsan ayaa ugu horreyn hambalyo iyo duco u diray Madaxeweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Danjirada ayaa soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu xiriirkooda uu xumaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna ka dalbaday Madaxweynaha inuu hagaajiyo arrintaasi, si loo ilaaliyo darisnimada iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal.

“Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa aniga meeshaan waxaan joogay 3 sano iyo shan bilood wadanka Kenya wadan Soomaaliya uga muhiimsan ma jiro, sababtoo ah siyaasadda arrimaha dibadda waxbaa lagu qiyaasaa waxa lagu qiyaasoo dhan Kenya ayaa lambar 1 innoo noqoneyso waa maree dhaqaale xoogan ayaa naga yaallo waa mar labaad dad badanbaa naga joogaa, mar saddexaad xuduud dheer ayaan leenahay,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale wuuxuu farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu baaqay inuu safarkiisa ugu horreeyo ku tego magaalada Nairobo ee caasimada dalka Kenya.

Waxa kale oo uu usoo jeediyey in dib loo furo xadka labada dhinac iyo ganacsiga, isaga oo tilmaamay inay faa’iido badan ugu jirtay Shacabka labada wadan ee dariska ah.

“Waxaan jecelahay inuu socodka ugu horreeyo ee uu ku baxaayo uu ku yimaado magaalada Nairobi, sababta waxay tahay in la’isku furo isku socodka dadka iyo badeecada. Soomaaliya ayey maslaxo u tahay, gaar ahaan shacabka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa siyaasad ahaan isku fara saaray sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo xittaa mar la kala qaatay safaaradaha, waxaana sidoo kale xiisadda uga sii daray kiiska badda ee la geeyey Maxkamadda ICJ, kaas oo ay ku guuleysatay Somalia.