Muqdisho (Caasimada Online) – Hoteellada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyey safiiradii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ay ku magacawday dibadaha oo dhammaantood soo wada doontay wasiirro iyo xilal kale oo ay dowlada ka qabtaan.
Magaalada ayaa waxaa ku sugan ilaa iyo 16 safiir iyo qunsullo ka soo wada tagay shaqadoodii waxaana la filayaa inay kuwo kale ku soo biiraan.
Safiirada qaar iyo qunsulladu waxay dhaqaale iyo deeq kale ka keeneen dalalkii ay joogeen, waxayna si toos ah ugu wareejiyeen madaxweynaha cusub. Ujeedkooda ayaa wuxuu yahay inay ku qabsadaan madaxweynaha uguna dhowaadaan agtiisa, waxayna sugayaan wasiirnimo.
Safiirada qaar ayaa ku guuleystay in xilal durba loo magacaabo, kuwo kalena waxay u muuqdaan inay yihiin madaxweynaha la taliyeyaashiisa.
Madaxtooyada ayaa laga dareemayaa kala orod loogu xusulduubayo xilal. Su’aasha shacabku is weydiinayo waxay tahay maxaa safiir ama diblomaasi dhex geliyey olole siyaasadeed?
Halkan hoose ka akhriso magacyada Safiirada
1- Daahir Maxamuud Geelle, Safiirka Soomaaliya ee Saudi Arabia
2- Siyaad Maxamuud Shire , Qunsulka guud ee Qunsuliyadda Jeddah, Saudi Arabia
3- Axmed Cabdi Xasan ” Axmed Suudaan”, Qunsulka guud ee Qunsuliyadda guud ee Aden, Yemen
4- Cabdullaahi Xaashi Shuuriye , Safiirka Soomaaliya ee Yemen
5- Jamaal Maxamed Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Kenya
6- Taabid Cabdi Maxamed , Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
7 – Ilyaas Sheekh Cumar, Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Masar
8- Maxamed Isxaaq , Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee UAE
9- Cabdulqaadir Maxamed Nuur , Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Turkey
10- Cawaale Cali Kullane , Safiirka Soomaaliya ee Sweden
11- Yuusuf Garaad Cumar, Ergeyga joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York
12- C/risaaq Faarax Taani, Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan
13- Dr. Cali Saciid Faqi , Safiirka Soomaaliya ee dalka Belgium ahna Ergeyga Midowga Yurub
14- Cali Shariif Axmed, Safiirka Soomaaliya ee dalka France
15- Maxamed Cali Sayid , Safiir kuxigeen “Lataliyaha koowaad” ee Safaaradda Soomaaliya ee Zambia
16- Dr. Jamaal Barrow Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

