Safiirka UK ee Soomaaliya oo weeraray doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe bishii August ee 2019 ay ahayd mid “aad u cilladeysan”.

Safiirka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, oo uu kaga jawaabayey bayaan 28-kii bishan kasoo baxay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo lagu taageeray heshiiska Axmed Madoobe iyo dhinacyada ay siyaasadda isku hayeen, oo 23-kii April ka dhacay Nairobi.

Dowladda UK ayaa ka mid ahayd dalalka bayaankaas lagu saxiixay inay qeyb ka ahayd, hase yeeshee warkan cusub ee kasoo baxay safiirka ayaa u muuqday mid uu kaga fal-celinayey dood arrintaas ka dhalatay.

“Tani waxay dhalisay dood badan. Fikirkayga wuxuu yahay: Soomaalida, si la mid ah dadka kale, waxay u qalmaan inay hogaamiyayaashooda ku doortaan doorashooyin xor, dhex-dhexaad iyo sharci ah. Hanaankii doorasho ee August-dii tegtay wuxuu ahaa mid aad u cilladeysan. Waa wax wanaagsan in la arko inay heshiiyaan dad horey u xifaaltamayey hase yeeshee siyaasad si dhab ah loogu dhan yahay – ha noqoto mid deegaan iyo mid qaran – waxay u baahan tahay intaas ka badan,” ayuu yiri.

Ayada oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya, ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe wuxuu heshiis la galay Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed, kuwaas oo taageeray doorashadiisa. Afartan ninba waxay kasoo wada jeedaan hal beel.