Safiirkii Mareykanka ee SOMALIA oo is-casishay (Hakad ku yimid xiriirkii cusbaa labada dhinac)!!

Washington DC (Caasimada Online) – Haweeneydii madaxweyne Obama uu u doortay inay noqoto safiirkii ugu horreeyey ee Mareykanka u fariista Somalia muddo 25 sano ah, ayaa sheegtay inaysan xilkaas qaban karin, sida aqalka cad ee Mareykanka uu ku wargeliyey sharci dejiyayaasha.

Warkan lama filaanka ah ee kasoo baxay Katherine Simonds Dhanani ayaa hakad ku keeni doona qorshihii Mareykankka ee ahaa inuu sii dheereeyo xiriirka uu la wadaago Somalia.

Sarkaal ka tirsan maamulka madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Katherine ay u diiday inay xilkaas qabato sababo shaqsiyadeed oo aan la shaacin.

Katherine Simmonds
Katherine Simmonds

Madaxweyne Obama ayaa hadda laga sugayaa inuu qof kale u magacaabo xilka. Tallaabada Katherine ay kaga baxday qabashada xilkaas ayaa imaneysa ayada oo tododbaadkii tagay uu Muqdisho booqday xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry, taasi oo muujisay muhiimadda Mareykanka uu siinayo Somalia.

Katherine Dhanani ayaa waxa ay sugeysay in aqalka Senate-ka Mareykanka uu ansixiyo magacaabisteeda, balse waxaa maanta lagu wargeliyey in sheegtay inaysan qaban karin xilkaas.

Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in Katherine ay fariisin ka dhigato magaalada Nairobi inta xaaladda ammaan ee Muqdisho ay ka saamaxeyso in dib loo furo safaaraddii Mareykanka ee halkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com