R/W CCC iyo socdaal aan dhammaan: Loolanka safarada oo uu kala wareegay XASAN SHEEKH

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir goboleed ka socda magaaalda Doxa ee dalka Qadar.

Shirkan ayaa loogu magac daray Shirka 15aad ee Kobcinta Dhaqaalaha mustaqbalka ee Bariga dhexe 15th (Doha Forum and the Enriching the Middle East’s Economic Future) ayaan la ogeyn wax ka quseeya Soomaaliya iyo danta ugu jirta marka laga reebo socdaalada joogtada ah ee madaxda dalka caadeysteen inay sahay safar u qaataan.

Guud ahaa shirkan oo xaaladaha Bariga Dhexe looga hadlo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa waxay ku kooban yihiin:

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ciraaq Iyaad Callaawi

Madaxweynihii hore ee Tunisia Munsif Al-maruqi

iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo qura, shirarkii hore ayay madax xilalka haya ka qeybgeli jireen balse shirkan waxaa ka baaqsaday mas,uuliyiin badan oo shirkani quseeyay degaankooda dartiis. Waa soctaalkii labaad ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku tago dalka Qatar muddo laba bilood gudahood ah iyadoo aakhirkii bishii Maarso uu dalkaasi booqday.

Waxaa shirka furay Amiir ku xigeenka Qatar Sheekh Cabdalla Bin Xamad Althani oo khudbadiisii uga hadlay khilaafaadka Bariga dhexe iyo doorkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sii yaraanaya. Amiirka ayaa sidoo kale la kulmay xubnaha shirka ka qeyb galaya.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa 100 maalmood ee uu xafiiska joogay muddo 30 maalmood ka badan ku qaatay safarro uu dibadda ku tegay, taasoo mararka qaarkood keentay inay qabsoomi waayaan shirarka Golihiisa wasiirada, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu dhinaca safarrad ka qaado madaxweyne Xasan Sheekh oo ah mas’uulka ugu socdaalka badan madaxda dowladda Federaalka.

Socdaalka madaxda ayaa waxaa ku baxa lacago fara badan oo aan xisaab lahayn oo khasnadda dhexe lagala baxo, waxayna dhalisaa in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodii saameyn ku yeelato, dhowaan ayay ahayd markii la bilaabay in la bixiyo mushaarka bishii Febraayo 2015 ee shaqaalaha dowladda.

isha goobjooge