Xog: Xasan Sheikh oo xildhibaano sahan ah isaga sii hormariyay magaalada….

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka socda shir ay leeyihiin beelaha daga gobolka Hiiraan kaasi oo la doonayo in dhamaan beelaha lagu hishiisiiyo.

Shirkaasi oo magalada ka socdo muddo ka badan 10 maalin ayaa ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waxay tahay in looga tashado halka gobolka Hiiraan uu raacayo.

Waxgaradka iyo qaar kamid ah xubnaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeedo in gobolka Hiiraan lagu biiriyo Shabeelaha Dhexe si maamul ay u noqdaan, waxayna doonayaan in Hiiraan la kala gooyo oo maamul laga dhigo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dooneyso in maamul loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, bisha soo socotana la gudo galo dhismaha maamulkaasi.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolkaasi dowlada Soomaaliya u dirtay magaalada Beledweyne.

Ujeedada safarka xildhibaanada ayaa ilo xog ogaal ah waxay Caasimada Online ugu sheegeen iney tahay sidii odayaasha qaar looga dhaadhicin lahaa in gobolka Hiiraan lagu biiriyo Shabeelaha Dhexe oo maamul ay noqdaan.

Waxayna taasi sahan u yahay dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud, maadaama dowlada Soomaaliya wali si cad arintaasi ugu dhawaaqin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com