Khilaaf cusub oo ka taagan shirka Cadaado & Wasiirka A/gudaha oo gaaray Magaaladaasi

Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia Cabdiraxmaan Maxamed ‘’Odawaa’’ oo ay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, ayaa goordhow u ambabaxay Magaaladda Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo xeeb.

Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia oo iyagu horay uga mid ahaa Xubno uu Madaxweyne Xassan u xil saaray ololaha lagu xoojinaayo shirka Cadaado ka socda.

Socdaalka wafdiga ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku hayo Khilaafyo hor leh oo la sheegay inuu ka dhex curtay Ergooyinka halkaasi uga qeybgalaayo shirka maamul u sameynta G/Dhexe ee Somalia.

Wafdiga ayaa la filayaa in halkaasi ay kulamo deg deg ah kula qaataan dhowr beel oo iyagu sheegay inay isaga bixi doonaan shirka saacadaha soo socda, kadib markii ay DF Somali kusoo wargaliyeen in lagula kacay musuq-maasuq ku saabsan dhanka Ergooyinka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shirka lagu soo biiriyay 25-Odayaal oo aan sal iyo baar ku laheyn shirka kuwaasi oo la sheegay inay wataan gudiga farsamada oo mudooyinkaani loo soo jeedinaayay dhaliilo kala duwan.

Xaalada shirka ayaa ah mid isku cakiran waxaana la tilmaamayaa in Wasiirka arrimaha gudaha laga suugaayo inuu waxbadan ka bedelo musuqyada laga cabanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com