Sagaalka arrin ee xasaasiga ah ee ay isku hayaan Abiy Ahmed iyo Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhex qarxay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo culus ka dhaceen waqooyiga Itoobiya.

Xiisada labada dhinac oo muddo soo jiitameysay ayaa dhawaan dagaal isku bedeshay kadib markii uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu dusha u saaray maamulka Tigreyga mas’uuliyada weerar uu sheegay inuu ka dhacay xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Kooxda TPLF waxay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, waxayna isku dayeen inay bililiqeystaan hanti militari” ayuu Abiy ku yiri qoraallo uu xiligaasi soo dhigay facebook iyo twitter.

Dagaalka Tigreyga iyo dowladda federaalka ayaa cabsi xoogan ku abuuray dalalka gobolka oo iyagu ku baaqay xabad joojin ka dhan ah dagaalkaasi, xili uu sii xoogeysanayo dagaalkaasi oo labada dhinacba guul ka sheeganayaan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay iney duqeeyen goobo ay Tigreygu madaafiic ku keydsanaayeen, midaasi oo xusay inay jawaab u aheyd tallaabo ay ciidamada maamulkaasi arbacadii kula wareegeen xarun militari oo ay laheyd dowladda federaalka ah, hubna kala baxeen.

Dhanka kale, Saraakiisha Tigreyga ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay ciidamo ka tirsan federaalka ay u usoo goosteen dhankooda, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka loogu hiilinayo shacabkooda, sida hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay saraakiisha Tigreygu ay gebi ahaanba xireen hawada sarre, iyaga oo hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaanadooda.

Haddaba, maxay tahay arrimaha uu Tigreygu uga soo horjeedo xukuumadda Abiy Ahmed ee isku hayaan, dhaliyeyna xiisada isku bedeshay dagaalka socda?

  • Maamulka Tigreyga ayaa Abiy u arka ra’iisal wasaare uu waqtigiisu dhacay, oo aan doorasho rabin, maadama uu waqtigiisu ku ekaa bishii October 2020, balse uu dhowr jeer dib u dhigay doorashooyinkii dalkaasi ka dhici lahaa, arrimo la xiriira cudurka Covid-19, midaasi uu maamulka TPLF u arko marmarsiyo iyo xil jecleysi.
  • Tigreyga ayaa qabsaday doorasho iskood ah bishii September, midaasi oo dowladda federaalka Itoobiya ku tilmaamtay sharco darro, halka iyaguna badalkeeda ay ku doodayeen.
  • TPLF waxay ka gows adeygtay qorshaha Abiy Axmed uu awooda dheeriga ah ugu yeelayo dowladda dhexe, midaasi oo u aragta in Abiy Axmed uu yahay federaal diid ku tumanaya nidaamka federaalka ah.
  • Marnaba ma ogola Tigreygu maamul u sameynta uu maalintii shalay aheyd uu meelmariyey baarlamaanka Itoobiya, kadib khilaafka soo kala dhex-galay maamulka hadda talada haya iyo dowladda federaalka.
  • Doorashada Tigrayga ee September kadib, dowladda federaalka ah waxaa ay qarashkii ka jartay maamulkaasi iyada oo ciqaab uga dhigeysa tallaabada uu gobolku qaaday, midaasi oo sii adkeysay xiisada.
  • Tigraygu marnaba ma ogola isku soo dhawaanshaha Abiy iyo Afwerki, waxayna si adag u diideen heshiiskii uu Abiy Axmed la galay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki iyo dhulka uu ku wareejiyey kadib heshiiskaasi.
  • Tigeryga ayaa sidoo kale diidey ka mid noqoshada xisbiga cusub Prosperity Party kaas oo uu Abiy Axmed dhisay kadib markii uu baa’biyey EPRDF oo ahaa isbaheysi taariikhi ah oo soo jiray ilaa  1988, madaxda uu ka ahaa wiilkooda Meles Zenawi 1991-2012.
  • TPLF ayaa ka soo horjeesatay lacagta cusub ee Birta, taasi oo ay ku sheegtay mid uu Abiy Ahmed kula dagaalayo maal-qabeenadeeda, xili uu Abiy lacagtaas sameynteeda ku kharash gareeyay $101.2 Milyan.
  • Goonni Isu-taagga Tigreyga ayaa sidoo kale kasii daray xiisada labadan dhinac, maadama ay dowladda federaalka u aragto caasinimo iyo kala tafaraaruq in TPLF ay madax-banaani hesho, xili ay saraakiisha maamulkaasi sheegen inay ka gor-gortameyn gooni goosadkooda.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Ahmed ayaa u muuqata mid rabitaankeeda xoog ku hirgelinaysa, iyada oo arrintaasi ay ka digeen beesha caalamka, hase yeeshe uu weli ka madax adeygayo Abiy Axmed olole ka dhan ah Tigreyga oo ku dhawaaqay Arbacadii.