Sakariye Saciid oo lagu dilay magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa barqanimadii maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid, kaas oo koox hubeysan ay toogasho ku dishay, kadibna ay baxsatay.

Marxuumka ayaa caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wxuuuna ka mid ahaa dhalinyarada hal doorka ee ku dhaqan magaaladaasi.

Sakariye ayaa si gaar ah loogu xusuustaa inuu u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo ay horey colaad beeleedyo uga dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga la dilayey uu ku sugnaa xero barakac oo ku taalla magaalada, isaga oo u tegay howlo shaqo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya marxuuiimka uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha dowladda Hoose ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta kusoo dhigeen dad lala xiriirinayo dilka marxuumka.

Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheyan oo ay ka fulisay Al-Shabaab iyo weeraro kale oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed.