Salaad Cali Jeelle: DF Somalia ayaa ka dambeyso dagaalka gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka dambeeso dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayuu sheegay in dagaallada ku dhexmaraya gobalka xal loo heli karo balse dowladda dhexe aaney rabin in ay wax ka qababto.

Wuxuu kaloo dowladda ku eedeeyay in la kala safatay maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Hadalka siyaasiga Salaad Calu Jeelle ayaa ku biiraya eedeemo dowladda loo jeediyay oo ku aadan in ay ka gaabisan wax ka qabsashada dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa soo lab laabtay waxaana dowladda ay marar badan sheegtay in wax ka qaban doonto balse arrintaas ma muuqato.

Si kastaba,dowladda ayaa guddi u saartay daminta dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose oo dad badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com